08 September, 2011

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee KULMIYE Oo Xukuumadda u jeediyay Eedo iyo dhaliilo kala duwan


Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee KULMIYE Oo Xukuumadda u jeediyay Eedo iyo dhaliilo kala duwan

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE C/qaadir C/raxmaan, ayaa dhaliil adag u soo jeediyey xukuumada, waxaanu tilmaamay in xukuumadu ay ka muuqato habacsanaan iyo kala daadsanaan, waxaanu sheegay in saluug badan iyo cabashooyin ay ka qabaan beeshiisu, isla markaana tilmaamay in wax xilal ah aanay beeshiisu ku dhex lahayn.
"Hadaan tuulo kasta oo reerku degan yahay hadaad eegtid, aqlabiyaddu waxay ahaayeen xisbiga KULMIYE, beesha qaybtayada degeneyd Gobolka Sanaag siday u dhan tahay, xisbi kale oo ka helay hal cod ma jiro,"ayuu yidhi Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee KULMIYE oo caawa u waramayay TV-ga Horn Cable, waxaanu intaasi ku daray "Xag dhaqaale anagu waxaanu u heysanaa inaanu nahay beelaha tirada yar ee aan xisbiga iyo Axmed Maxamed Siilaanyo aanu weydiisan dhaqaale aanu ku olaleyno ee anagu kaayagii la nimi, isagana wax ka tarnay, marka iyadoo sidaasi oo dhan oo gashay oo cadaawadi hore ee jirtay meel iska dhigtay oo walaaltinimo keentay, maxaa dhacay markii madaxweyne Siilaanyo kursigii fadhiistay?"
C/Raxmaan C/Qaadir waxa uu ku dooday in ardaagiisa laga eryay dhamaan xilalkii beeshiisu haysay waxaanu yidhi "Waxa dhacay waxa weeyaan nin alaala oo xil hayey ee beeshaa ka mid ahaa xilkii waa laga qaaday, sagaal mas'uul oo sar-sare oo ay ku jiraan, masuuliyiinta qaar ka mid ah madaarada, intaba waa la eryey."
"Anigu madaxweynaha waan u tagay waan u sheegay waxaan ku idhi madaxweyne waad garaneysaa adiga iyo beesheyda taariikhdii ka dhaxaysay, wanaagii imika idin dhexmaray iyo sidii ay kugu dadaaleena waad ka warheysaa ee waxani maad u kastay, mise weykaa hoostay madaxweyne? Waxaanu madaxweyne Siilaanyo iigu jawaabay "Maya arrintaa maan ogeyn, waxbaynu ka qabaneynaa aniga igu daa bal iga dhursug,"ayuu yidhi C/Raxmaan C/Qaadir.
Waxaanu intaasi raaciyay "Ereygaa markii aan ku idhi ka dib malaha laba ilaa saddex sarkaal oo beeshayada ah ayaa la fanishay oo shaqadii laga eryey, markaa hadalkeygii wax alaala iyo wax laga soo qaaday mey jirin, dawladdaa dhan waxa nagu hadhsanaa Dr. Gaboose, isagana waa tii uu maalintii dhaweyd uu meesha ka baxay. Cajaa'ib, Qarankaa dhan maamulkiisii sare reerka wax alaala wax kaga jiraa ma jiraan."
Waxa kale oo uu xukuumadda ku eedeeyay inay ka dhex jirto is xulafaysi iyo kooxaysi waxaanu ydihi "Nasiib darada jirtaa anigoon dawladana xumaan ku sheegayn, dawladii hore ee UDUB, dawlad ahaan anaga ka wanaagsan nin iyo nin haddii aad qiimeysid inooma dhigmaan, laakiin midbay inagu dhaameen oo dawladoodu waxay ahayd team wada socda oo kubada dhinac u wada eryaya oo sirtooda ilaashada oo istaageera oo aan is-mijo xaabin, marmarka qaarkood waxaan odhan jirey waa xisaabad wada socota weeyaan, laakiin dawladayan taa malaha (teamwork) wada shaqeyn ma leh dhinac uma wada socdaan, way iskala xulufeysata koox-koox ayey noqotay, dee markaa is-xulafeysigaasi wuu jiraa, xangaruufooyin madaxtooyada iyo dawlada ka dhexeysaa way jiraan, taa waxaan leeyahay haddii aan wax laga qaban, wixii kale ee lays yidhaahdo waa khasaare."
Weriye Cumar Maxamed Faarax
 Somaliland.Org/Hargeysa
 Cumarmfaarax2@hotmail.cm

No comments: