18 September, 2011

Bakhaaro Dawladdu Leedahay Oo Ku Yaala Xaafada Jigjiga-Yar Oo Xalay La Isku Rasaaseeyey Iyo Taliyaha

Bakhaaro Dawladdu Leedahay Oo Ku Yaala Xaafada Jigjiga-Yar Oo Xalay La Isku Rasaaseeyey Iyo Taliyaha


Bakhaaro Dawladdu Leedahay Oo Ku Yaala Xaafada Jigjiga-Yar Oo Xalay La Isku Rasaaseeyey Iyo Taliyaha Bileyska Oo Ka Hadlay

Hargeysa, (HAATUF) - Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa sheegay in laba qolo oo isku hayay Bakhaaro ku yaala xaafada Jigjiga-yar oo la sheegay in dawladu leedahay ay xalay iska horimaad hubaysani ku dhex maray goobta dhismahaasi laga waday oo ku dhaw Saribada Jigjiga-Yar ee Caasimada Hargeysa.

Taliyaha Bilaysku ayaa beeniyey in koox Bileys ah oo dhismahaasi ilaalo ka ahayd ay shacbi gadoodsan oo ka soo horjeeday dhismahaasi ay Rasaas ku rideen, hase yeeshee Cadeeyey in laba qolo oo isku hayey dhismahaasi ay iyagu rasaas isku adeegsadeen, waxaanu intaa ku daray in Amarka lagu joojiyey dhismahaasi uu Maxkamada ka soo baxay, Amar dambe oo lagu fasaxayeyna uu Maxkamadaha ka soo baxay.

Taliye Maxamed Saqadhi Dubad waxa uu sidaasi ku sheegay mar aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay, waxna kaga waydiinay iska horimaadka iyo rasaasta xoogan ee xalay ka dhacday Bakhaarada Dawladda ee xaafada Jigjiga yar ee dhismaha dayactirka ah laga waday, ayaa waxa uu yidhi "Meeshaasi laba qolo ayaa isku hayay oo muran baa ka taagnaa, kuwii isku hayay ayuun baa is rasaaseeyay oo isku ridayey ee Bilayska maaha, Ciidankiina wuu ku baxay, maalmahanba way qaylinayeen way noo yimaadeen waxaananu ku nidhi orda oo sharciga ku kala baxa, si kastaba ha noqotee ama dawladi ha siiso ama localku ha siiyee kii sharci haystow la kaalay baanu ku nidhi oo iska daaya buuqa"

Taliyaha mar aanu waydiinay, amar la sheegay in markii hore lagu joojiyay dhismaha laga waday goobtaasi oo shalay subax soo baxay la sheegay inuu amar dambe ka soo daba baxay, kaasina sababay dhibaatada meesha ka dhacday, waxa uu yidhi "Markii horeba waa la joojiyay oo Maxkamadu amarka lagu joojinayay kasoo baxay oo isla eega ayay ahayd, dabeetana caawa ayay qolo wax tuurtuuraysaa soo ataag-garaysay, adigu way isbadalayaan oo waan mooday in Maxkamadu kaa hore joojisay, ma ambiil bay ka qaateen waanay dhacdaa oo Maxkamaduhu siday u kala sareeyaan bay wax u kala joojinayaan, wakhtigan xaadirka ahna waa la joojiyay, anaga nama khusayso mid hagaagsan iyo mid khaladan ma kala naqaano, xafiiska ay ka soo baxeen sharciyada ay haystaan ayuun baa kala saaraya oo kala cadaynaya, Sabtida ha la isugu yimaado oo qoladii wax sheeganaysaa sharcigeeda ha u gudbiso xafiiska ay kasoo baxeen"

Dhinaca kale wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta ismaaciil Mumin Aare oo isagana aanu wax ka waydiinay intii aanu iska horimaadkaasi dhicin bakhaarada dhismaha laga waday ee la sheegay in hay'adii bisha cas ee Kuweyt ay xilliyadii sideetamaadkii ay dhigan jireen alaabada, waxa ay ka ogyihiin ayaa isaguna yidhi "Bakhaaradaasi bisha cas ee Kuweyt ay alaabta dhigan jireen waxaan u diray saraakiisha guddida wasaarada, waxaana igu maqaalo ah in dhaliyaro labaatankii sano ee dalka lagu soo guryo noqday ay yidhaahdeen anagaa ilaashanaynay iyo qolo kale oo tidhi anagaa lahayn inay falal keenaan ayaan ugu diray guddigaasi dhulka ilaa hadana wax sharciyada oo naloo soo gudbiyay ma jirto, waxaanan u sheegay si aanay dadku isku dilin inay goobtaasi tagaan, hawshaasina wali way noo socotaa, waxaana lay ii sheegay in dhismihii hangaradaasi laga waday la joojiyay ilaa labada dhinac ee isku hayaa dhismaha laga wada lagu kala baxayo".

Haatuf

No comments: