Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Hay'adda la-dagaalanka AID'S-ka oo Sharci daro ku tilmaamay Magacaabistii Muuse Biixi Xasan Siciid u magacaabay Xoghayaha Guud
Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Hay'adda La-dagaalanka ADS's-ka C/kariin Maxamed Xinif oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa xalay mar uu u waramayay Telefishanka HCTV ayaa sharci daro ku tilmaamay magacaabista uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi u magacaabay Xasan Siciid Yuusuf inuu noqdo Xogahayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye
C/kariin Xinif waxa uu sheegay Sharciga Xisbiga Kulmiye inuu dhigayo haddii Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye ku timaado geeriyi in uu xilkaasi buuxin karo iyadoo si ku-meel gaadh ah loogu sii dhiibayo xubin Xisbiga ah oo ka mid ah Guddida Fulintu.
Isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi " Xisbiga sharcigiisu waxa uu dhigayaa haddii jagada Xoghayaha Guud banaanaato in uu buuxin karo uun xubin guddida Fulinta ka mid ahi, markaa buuxinta Jagadaas uu Guddoomiyuhu buuxiyay sharcigu awood uma siinayo, umana magacaabi karo" ayuu yidhi
Xinif waxa uu ku tilmaamay xubinta Guddoomiyuhu xilka u magacaabay inaanu ka mid ahayn Xubnaha Guddida Fulinta ee uu ahaa taageere ka mid ah taageeryaashii Kulmiye isla markaana aanu buuxin karin jagadaasi
Sidaas daraadeed waxa uu C/kariin Xinif ku tilmaamay inaanu awood u lahayn in Guddoomiyaha Xisbigu u magacaabo jagadaasi qof aan ahayn Xisbiga ama aan ka mid ahayn Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta
Hadalka C/kariin Xinif ayaa ku soo beegmay uun iyadoo shalay Maxkamadda Sare ee Dalku Go'aan ka soo saartay khilaaf Madaxda Sare ee Xisbiga ku dhex maratay Awooda Xisbiga. Tanina waxa ay noqonaysaa bog Siyaasadeed oo keeni kara Khilaaf madaxda Kulmiye dhex marta
Xasan Siciid Yuusuf oo ahaa Tafatirihii Jamhuuriya ayuu Hore Daahir Rayaale Kaahin uga hor istaagay buuxinta jago Guurtidu u magacawday oo uu kaga mid noqon lahaa Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka hase yeeshee waxa uu ku Eedeeyay inaanu dhex ahayn oo uu ku suntan yahay Kulmiye isla markaana Xukun Maxkamadeed ku dhacay.
Hase yeeshee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan u magacaabay inuu buuxiyo Xilka Xoghayaha Guud ee Kulmiye si ku meel gaadh ahaan ah maadaama uu Geeriyooday Xohgahayihii Hore
Dhinaca kalena hadalkan ayaa ku soo beegmaya maalmo yar uu dabadood markii uu Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ku Eedeeyay Xukuumadda ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye inay tahay Kooxo kala xulafaysanaya oo aan is ogol. Waaheen
No comments:
Post a Comment