19 August, 2011

Xaji Cabdi Warabe...“Waxan Ku Idhi Ciro Iyo Waqaf, Faysal Cali Waraabe Muu Dhicin Isagaana Xisbiga Keenay

"Waxan Ku Idhi Ciro Iyo Waqaf, Faysal Cali Waraabe Muu Dhicin Isagaana Xisbiga Keenay, Xukuumadu Ama Maxkamad Ha U Gudbiso Ama Ha Xukunto, Hadaan Qabyaalad Ku Shaqaynayo Berigii Garxajis Baxay Ayaan Raaci

Xaaji C/Kariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo hogaaminayey ergadii beesha Ciidagale ee dhex dhexaadinta ka dhex waday khilaafka labada garab ee xisbiga UCID u kala jabay ayaa sheegay in hawshii dhexdhexaadinta ay u gudbiyeen xukuumada kadib markii garabka uu hogaamiyo Aadan Mire Waqaf ku adkaysteen in aanay aqbalaynin guddoomiyenimada Fasysal Cali Waraabe, shuruudna kaga dhigeen inuu ogolaado in muddadii xilkiisu dhamaatay, isagoo intaa ku daray in wixii imika ka dambeeya xal u helida khilaafka UCID u yaalo xukuumadu inay go'aan ka gaadho.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa siddoo kale jawaab ka bixiyay eedo Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir usoo jeediyey xildhibaanadoodii iyo Madaxdhaqameedkii beesha Ciidagale ee dhawaan Madaxweynaha Axmed Siilaanyo xaalka ka siiyay eedihii Suldaanku usoo jeediyay.
Xaaji C/Kariim Xuseen oo xalay khadka Telephone-ka Haatuf xogwaraysi khaasa ku siiyey, isla markaana wax kaga waydiinay hanjabaada la sheegay in guddoomiyaha wakiilada C/raxmaan Ciro iyo Aadan Waqaf kulan ay wada yeesheen ugu sheegay, haddii Faysal Cali Waraabe ay xisbiga uga tagi waayaan, in wax weyni dhici doonaan, isaga oo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi Xaajigu "Maan odhan sidaasi, balse waxaan ku idhi hadalo adag, waxay iyaguna yidhaahdeen aqbali mayno Faysal Cali Waraabe guddoomiyenimada uu sheeganayo ee ha ogolaado in muddadii xilka guddoomiyenimadu ka dhaamatay oo la badalay,
 anaguna waxaanu ku nidhi, Faysal Cali Waraabe ma dhicine siddiinii hore ahaada, oo Faysalna guddoomiye ahaa, Aadan Waqafna guddoomiye ku xigeenka ahaa, aqalkiinana furta oo si wanaagsan uga wada hadla wixii aad isku haysaan, oo buuqa iyo qalalaasaha iska daaya dabeeto markii aanu isdiidnay C/raxmaan Ciro iyo Aadan waqaf waxay yidhaahdeen gar noo qaada ama maxkamada noo wada gudbiya, dabeeto waxaan ku nidhi garna idiin qaadi mayno Maxkamadana idiin gudbin mayno ee muslaxa naga aqbala, intaa ka dib kolkii aanu isdiidnay ayaanu xukuumada arrinkaasi ku wareejinay ama Maxkamad ha u gudbiso ama ha kala xukuntee xukuumada ayay hada u taalaa inay go'aan ka gaadho khilaafka UCID"

Xaaji Cabdi Waraabe mar aanu waydiinay eedaha looga jeedinayo, in Faysal Cali Waraabe uu si reernimo ah ula saftay garabka kalena ay ka cadhoodeen, waxa uu yidhi "Waxaan ku idhi Faysal Cali Waraabe gar buu leeyahay oo isagaa xisbiga keenay ee hadaad is diideen xisbi kaleba furta, ergadana Somaliland ahaan iyo beel ahaan baan ku galay, hadaan qabyaalada ku shaqaaynayo berigii colaadi sokeeye ee Garxajis oo dhami dhamaantii ka baxay Hargeysa ilaa Ceerigaabo ayaan raaci lahaa, aniga C/raxmaan Ciro, Waqaf iyo Faysal-ba way ii siman yhiin"

Isaga oo ka hadlaya aragtidiisa la xidhiidha eedihii Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir uga soo jeediyay xaalkii ay dhawaan ka siiyeen Madaxweynaha ee uu ku sheegay, in madaxweynaha ay Gabadh xaal usiiyeen, ayaa waxa uu yidhi "Suldaanka way la noqotay, oo hadaad wanaag doonayso hadal xumi waxba kuma yeelo, waanay la noqotay oo isagaa arrinkaasi ku fashilmay Suldaanku wax xunse anigu u quudhi maayo".
Haatuf

No comments: