18 August, 2011

Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka ku soo guryo noqday kana waramay socdaalkoodii

Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka ku soo guryo noqday kana waramay socdaalkoodii

Hargeys - Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay socdaal qaatay muddo todobaad iyo dheeraad ah ay ku tageen dalalka Itoobiya Iyo China.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta madaarka Cigaal International ee magaalada Hargeysa ugu waramayay saxaafada markii uu soo gaadhay dalka ayaa ku dooday in guulo waaweyni ay ka soo hooyeen socdaalkii ay ku tageen Itoobiya iyo China waxaanu yidhi "Sida laga warqabo waxaannu muddo laba toddobaad ku dhaw ku maqnayn safar dibaddeed,waxaanan jeclaa inaan idiin soo bandhigo wixii dal ahaan inoo soo qabsoomay.Waxaan shacabka reer Somaliland iyo qaybaha kale ee qaranka ugu bushaaraynayaa in safarkaasi ku soo dhammaaday guul, kana soo baxeen tallaabooyin dhaxalgal noqon kara oo dalka iyo dadkaba waxtar u leh.Marka laga bilaabo dalka Itoobiya waxaannu ku yeelanay wadahadalo lagu adkaynayo xidhiidhka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland, waxaannu wada hadallo la yeelanay madaxda dalkaas oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha Itoobiya Mr.Girma Wolde-Giorgis iyo Raysal-wasaare Males Zenawi iyo masuuliyiin kale oo Raysal-wasaare-ku-xigeenka, isla markaana ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ka mid yahay."

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi "Waxa aannu wada hadallo la yeelanay shirkaddo maalgashi oo muddo wada hadallo noo socdeen oo xaruntoodu tahay magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha, kuwaas oo khibrad weyn u leh fulinta iyo meelmarinta maalgashiyo badan oo waaweyn. Maalgashiyadaas oo inta badan ay ka sameeyaan waddamada soo koraaya ee Somaliland ka mid tahay, kuwaas oo dawladooda Shiinahana ka haysta kalsooni iyo wada shaqayn.
Wada hadalladaasi waxay ahaayeen kuwo ku salaysan inay Somaliland ka haqab baxdo baahida dhaqaale ee dalka ka jirta iyo horumarka shacabku u baahan yahay,waxa kale oo ay ka turjumayeen iskaashiga dhaqaale ee Somaliand doonayso inay la yeelato waddamada Geeska Afrika iyo guud ahaanba bulshada caalamka."

Madaxweynaha oo ka hadlayay heshiiska ay wada gaadheen dalka China waxa uu yidhi "Wada xaajood dheer kadib, waxa wada hadaladaas ka soo baxay in Somaliland iyo maalgashadayaasha dalka Shiinuhu ay gaadheen heshiis hordhac ah oo u-jeeddadiisu tahay in isbeddel weyn lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka oo ay ka mid tahay ballaadhinta dekedda Berbera, waxa kale oo la iska kaashanayaa dhismaha dhuumo dhulka mara oo qaada gaaska dabiiciga ah iyo saliida Itoobiya lagu geynaayo dekedda Berbera. Waxa hawshaas ka mid noqon doonta dhismaha warshad lagu diyaarinaayo gaasta iyo saliida inta aan dibadda loo dhoofin.Mashaariicda waaweyn ee Somaliland doonayso waxa ka mid ah dhismaha waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale, kuwaas oo Somaliland u keeni doona faa?'iidooyin dhaqaale oo aad u ballaadhan oo ay ka mid yihiin abuuritaanka shaqooyin badan oo muwaadiniinta Somaliland ka heli doonaan meelmarinta mashaariicdan dalka laga hirgelinayo, waxa kale oo mashaariicdani kor-u-qaadaysaa dakhliga dawladda Somaliland, kaas oo sababi doona in adeegyada bulshada lagu dabooli karo."

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa si diiran ugu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Xubno ka tirsan Golaha Wasiirradda iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socday goleyaasha baarlamaanka.

Madaxweynuhu waxa uu madaarka salaan sharaf kaga qaatay cusubyo ka tirsan ciidanka qaranka.

Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada, Beeraha, Macdanta, Maareeyaha dekada berbera iyo Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.

No comments: