20 August, 2011

Waxaan Doonayaa In Aan UDUB Ka Soo Dhex Baxo....Cawil

"Waxaan Doonayaa In Aan UDUB Ka Soo Dhex Baxo…..Haddii Aan Ka Soo Bixi Waayo Ayaan Urur Siyaasadeed……Labadii Buugan Waan dhameeyey ….Guddoomiyihii UDUB-Na….." Cawil Cali Ducaale

Wasiirkii hore Maaliyada Somaliland Mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay inuu ku hawlan yahay murashaxa uga noqon lahaa Xisbiga Siyaasiga ah ee UDUB, haddii ay taasi u hir geli waydana uu go'aan ku gaadhi doono inuu furto Urur siyaasadeed uu hogaaminyo iyo in kale.

Xuseen Cali Ducaale oo ku sugan Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo xalay Xog waran kooban khadka Telefonka ku siiyey Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu ka digay Furashada Ururrada Siyaasada oo uu sheegay in ay dalka ku keeni karto kala qaybsanaa iyo tafaraaruq umada dhexdeeda ah.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali (Ducaale) oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi
"Furashada Ururaddu waa arrin aan cabsi ka qabo in ay inagu keento tafaraaruq Bulshadeena dhexdeena ah, waayo dadkeenu weli uma bisla Ururada badan, Adduunkana ma jirto meel ay ka dhacday in la yidhaahdo shantii sano-ba Ururo cusub ha la sameeyo, waxaan adduunka ka jirin in la sameeyaa dhib ayey la imanaysaa,
Markaa in tartan lagu kala saaraa waxay noqonaysaa mid dhibteeda wadata oo adkaata, waayo waxa dhici karta in Ururadda qaar konton cod is dheeraadaan oo ku kala hadhaan, markaa ka la yidhaahdo Hebelow Ururkaagii wuu dhacday way ku adkaanaysaa inuu aqbalo, waxaana dhici karta in Ururaddii dhacay Qoryo soo qaataan."


Xuseen Cali Ducaale waxa uu intaasi raaciyey oo uu yidhi
"Anigu ka Cawil ahaan mar kasta waxaan qabaa in Sadexdaa Xisbi aynu ahaano, maadaama oo aanay dadkeenu u bislayn ninkii doonayaana inuu iska sharaxo sadexdaa Xisbi ee imika jira".
Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo la weydiiyey sida uu u arko hadal hayn soo baxaysay in booska uu baneeyey Wasiirkii Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose uu qabanayo, waxa uu ku jawaabay "Anigu UDUB baanu ahayn, xilkaasna culeyska uu leeyahay waanu garaneynaa markii u danbaysayna waxaan ahaa Wasiirka Maaliyadda intii aan xilkaasi iska wareejiyeyna si fiican ayaan u seexday, Doorasho danbe oo la galo mooyaanee imika xil aan diyaar u ahay ma jirto, markii uu Xisbigayagu uu xilka wareejiyayna waxaanu go'aansanay in aanu dawladda la shaqeyno oo aanu toosino wixii khalad ah ee noo muuqda."
Cawil oo ka hadlayey inuu isagu doonayo inuu Urur furto iyo inuu Xisbigii UDUB ka sii mid ahaado waxa uu yidhi " Runtii waxan doonayaa inaan Xisbiga UDUB aad u dhiso oo aan ka soo dhex baxo, markaan UDUB ka soo dhex bixi waayo ayaan sheegi doonaa in aan Urur furto iyo in kale dalkana waxan imanayaa Ciidda dabadeed Insha alla, Nayrobina waxan u joogaa hawlaan ay ka mid ahaayeen dhameystirka labaddii Buug ee iga qabyada ahaa oo mid ka hadlayey Taariikhda Somaliland iyo mid kale oo ka waramayey horumarka balaadhan ee Jamhuuriyadda Jabuuti si deg deg ah ku gaadhay, waanan dhameeyey imika hawshaasi oo dalka ayaan ku soo jeeddaa sidii aan u bilaabi lahaa hawlihii Xisbiga UDUB. Guddoomiyihii Xisbiga UDUB waxa la filayaa inuu isaguna dalka Yimaado Ciidda ka dib.


Warqabadka Togaherer
Xaafiiska Hargaysa
togaherer@Gmail.com
Cabdiraxiim Ismaaciil Cabdilahi ( Bidaar)
Saxansaxonewspapers.

No comments: