08 August, 2011

Waa in isgaadhsiintu si dhakhso ah ugu xidhmaan haddii kale,,,,,,,

Wuxuu shirkadaha lagu leeyahay cashuur sanadeedkan Amray inay soo bixiyaan iyo inay si dhakhso ah ugu xidhmaan haddii kale ay iyagu go'aan qaadan doonaan oo ay ku khasbi doonaan.

Hargeysa(Waheen)-Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Oday oo kulan shalay kula yeeshay xafiiskiisa Shirkadaha Isgaadhsiinta ayaa la sheegay inuu ku Amray shirkadaha hadhay ee aan ku xidhmin shirkadaha kale 

Sidoo kale waxa uu Wasiirka Boosuhu kulankaasi shirkadaha kaga codsaday inay si dhakhso ah u soo bixiyaan cashuur sanadeedka lagu leeyahay muddo toddobaad ah, isagoo fariintaana u faray Madaxda Shirkadahaasi inay u dhago furnaadaan.

Kulankan oo ay shirkadaha Isgaadhsiinta iyo wasaaraddu toddobaadkiiba laba jeer yeeshaan ayay kaga wada hadleen xidhiidhka labada dhinac sidii loo sii xoojin lahaa iyo sidii caqabadaha jira si wadajir ah looga hawlgali lahaa dhamaystirkooda.

Shirkadaha Isgaadhsiinta ayaa ay qaarkood hore iskugu xidhmeen hase yeeshee shirkadda Telesom ayaan iyadu ka qayb qaadan, waxaanay shirkadaasi iyo shirkadaha kale isku qabteen dhinaca qiimaha ay ku wadahadlayaan.

Arrintan ayuu shalay wasiirku Boosuhu ku tilmaamay in loo baahan yahay in shirkaduhu ka wadahadlaan oo ay xal ka gaadhaan haddii kale ay wasaarad ahaan meel dhex ah isugu keeni doonaan si wadahadalka shirkaduhu u dhamaystirmo.

No comments: