Talaabadii Wasiir Xaabsadde Ku Magacaabay Maamulka Cusub ee Sool Waxay Laf-jab ku Tahay Qaranka
Hargeysa(YOOL)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsadde, ayaa Toddobaadkii hore Maamul Cusub u magacaabay Gobolka Sool ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, iyadoo aanay kala cadayn sifaha sharci ee Wasiirku u maray magaacaabista iyo xilka qaadista Gobolka Sool, awoodaasoo marka dib loo milicsado qaab-dhismeedka dawladeed ee Somaliland ahayd awoodaha u gaarka ah Madaxweynaha.
Sidaas darteedna xubnaha Wasaiir Xaabsadde hadda ka takhalusay ay ku fadhiyeen digreeto Madaxweyne, isla markaana talaabadda kaliya ee xilka laga qaadi karaa ay ahayd digreeto Madaxweyne, haseyeeshee Magacaabista Wasiirku kaga dhawaaqay Magaaladda Laascaanood oo uu in mudo ahba ku sugnaa, waxa uu ku magacaabay Badhasaab, Badhasaab-ku-xigeen iyo Maayar-ku-xigeen.
Sidoo kale,waxa xilalka cusub ee Wasiirku Magacaabay ka mid ah Guddoomiyaha Waxbarashadda Gobolka, Goddoomiyaha Maxkamadda Gobolka iyo Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Gobolka, isagoo Wasiirku intaa ku daray inay si degdeg ah xilalka u wareejiyaan Mas'uuliyiintii hore ee uu xilalka ka qaaday.
Haddaba talaabadda Wasiirku ku kala diray Maamulkii Gobolka Sool ayaa u e'g mid si dhab ah u dhaawacaysa awoodaha sharci ee disdoorku kala xadeeyey sidoo kalena waxay arintani bog-cusub u furtay nidaanka dawaldeed ee Somaliland, oo ku dhisan hay'addo leh awoodo isu dheeli tiran, kuwaasoo haddii mid ka mid ahi meesha ka baxddo sababi kara inuu dummo ama dheeliyo hanaankii dawladeed ee isu-dheeli-tirnaa.
Dhinaca kale, waxay arintani daah furtay hab-dhaqan cusub oo aan Somaliland hore uga jiri jirin 20-kii sanno ee ay jirtay, taasoo ah Nin kastoo Siyaasi uu Maamul u magacaabo Gobolka uu kasoo jeeddo, arintaasoo dadka siyaasadda Faaqidda ay ku micneeyeen in ay tahay Qodobka kaliya ee Sonaliland kaga badbaaday mid la mid ah burburka Koofurta Soomaaliya, oo iyagu ilaa iyo hadda ku jira dagaalo ehli ah.
Haddaba marka xaalku sidaa yahay isla markaana aynu kawada dharagsan nahay dhibaatadda Maamul ee arintan iyo kuwa lamid ka ahi Qaranimadeena ku keeni karaan, waxaa isweydiin muddan waa maxay ujeeddada Madaxweyne Siilaayo uu ka leeyahay in Gobolka mid ah uu Madaxweynaha u ahaa uu ku sooryeeyo inay Maamulkiisa Mgacaabaan Siyaasiyiinta u dhashay.
Haddii Madaxweynuhu arimaha ka eegay dhinac kaliya oo ah isagoo shaqsiyan kala ilaalinaya Beesha Madaxweynaha iyo Beesha Gobolka degta oo is-maandhaaf hoose ka dhexeeyo. Madaxweynuhu maka fikiray adhax-jabka arintani ku tahay Maamulkiisa oo ay suurto galtahay in bari ka maalin ay dhacdo in Gobolo kale diidaan Maamulka uu soo magacaabay, iyagoo ku doodaya in aan Goboladdu waxba isdheerayn.
Marka arimahaas oo dhan laysku soo xooriyo, waxa muuqata in talaabadda Xaabsadde tahay mid aan Madaxweynaha iyo Maamulkiisu wada tashi badan ka yeelan.
Yool
No comments:
Post a Comment