30 August, 2011

Md Cali Warancade oo sheegay in aanu Qabanayn Xilka Wasaarada Arrimaha Gudaha

Md Cali Warancade oo sheegay in aanu Qabanayn Xilka Wasaarada Arrimaha Gudaha sheegayna in ay ka hor imanayso is qabanayna Jagada uu u taagan yahay ee Musharaxnimada Madaxweyne ee 5 sanno ee soo socda..

Md Cali Warancade oo sheegay in aanu Qabanayn Xilka Wasaarada Arrimaha Gudaha sheegayna in ay ka hor imanayso is qabanayna Jagada uu u taagan yahay ee Msuharaxnimada Madaxweyne ee 5 sanno ee soo socda..
Hargeysa/ToggaHerer 30 Aug 2011
Wasiirkii Hore ee Wasaarada Duulista Hawada Somaliland Ahna Xogahayaha Siyaasada ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Md Cali Maxamed Waranacade ayaa maanta Shir Jaraa`id ku qabtay Magaalada Hargeysa Gaar ahaan Hotel Xamdi ayaa sheegay in aanu Qabanayn Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha isaga oo ku sababeeyey In uu ka mid yahay Madaxda Xisbiga UDUB sidoo kalena uu u taagan Yahay Madaxnimada Xisbiga ama Gudoomiyaha Xisbiga UDUB.
Md Cali Warancade ayaa sheegay In jagada Musharaxa Madaxweyne ee uu cadeeyey in uu isu taagayo iyo Jagada Wasiirka Arrimaha Gudaha aanay ahayn qaar is qaban karaaya , Waxaanu mar labaad Cadeeyey shacbiga Reer Somaliland Dawlada , Muuse Biixi in aanay ahayn laba is qaban karaya ahayn Umaddana aanay ahayn in aan khiyaameeyo waxaanan u go`aayo ta Musharaxnimada.
Md Cali Warancade ayaa cadeeyey in uu mar kasta diyaar u yahay in wixii umada uu u qaban karaayo in uu qabanaayo .
Mr Cali Waranacade ayaa u soo jeediyey Md Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland in uu Wasaarada Daakhilgu tahay wasaarada culus oo balaadhan in uu u xulo cid ku haboon oo ka soo bixi karta xilkaa oo ku haboon.
Halkan ka dhagayso Shirka Jaraa`id ee Md Cali Warancade iyo Su`aalhii ay warbaahintu weydiisay Iyo Jawaabihiisiiba intaba…..

No comments: