Saylac (Ramaas) Auguts 16,2011 – Khasnajigii dawlada hoose ee Magaaladda Saylac Axmed Nuux Ismaaciil ayaa maalintii afraad ku xidhan saldhiga booliska ee Magaaladda Saylac.
Khasnajiga dawlada hoose ee Magaaladda Saylac ayaa afar maalmood ka hor waxa saldhiga booliska Magaaladaas ku xidhay ciidamadda booliska oo amar ka helaya Maayarka Magaaladaas.
Khasnajiga ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday Malaayiin shilinka Somaliland ah, isla-markaana baadhitaan Maayarka iyo xoghayuhu sameeyeen ay ku heleen lunsiga lacag qadarkeeda lagu sheegay dhowr milyan.
Wariye ku sugan Magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salal ayaa caawa booqasho ugu tagay khasnaija oo ku jira saldhiga booliska Saylac, waxaanu wax ka waydiiyay waxyaabaha lagu xidhay.
Khasnajiga dawlada hoose ee Saylac ayaa wariyaha uga waramay waxa keenay xadhigiisa isaga oo tilmaamay in Maayarka, xoghayaha iyo Maayar ku xigeenka Saylac ay ku wanjaleen lunsiga lacag uu tilmaamay inay iyagu la cuneen.
Khasnajigu waxa uu sheegay in lacagta lagu xidhay uu qayb ka mid ah u diray Maayarka Saylac oo wakhtigaa ku sugnaa Magaaladda Hargeysa "Lacagta la igu xidhay waxa ila qabba Maayarka oo aan lacagta ugu diray isaga oo ku maqan Hargeysa, waxa kale oo ila qabba oo lacagta cunay xoghayaha iyo Maayar ku xigeenka."ayuu yidhi Khasnajiga oo saldhiga uu ku xidhan yahay ugu waramay wariye ku booqday.
Ramaasnews Desk
No comments:
Post a Comment