03 August, 2011

‘Haddii Furayaasha UCID la soo Celin Waayo oo...Suldan Maxamed Sul. Cabadiqadir

'Haddii Furayaasha UCID la soo Celin Waayo oo Xoog Xoog Noqoto ummaddu Dagaal Diyaar Bay u Tahay'----Jamhuuriya.
Last Modified: Wed 03rd Aug,2011
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo taageero u muujiyey Eng. Faysal Cali-waraabe

Hargeysa (Jam) - Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah salaadiinta ugu waaweyn Somaliland, ayaa khilaafka xisbiga UCID ku tilmaamay mid hordhac u ah burburinta qarannimada Somaliland, isaga oo ku eedeeyey arrintaas inay ku lug leedahay xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Sudlaan Suldaan Xuseen Suldaan Xaaji Cabdi oo shir-jaraa'id xalay ku qabtay guriga Suldaan Maxamed ee magaalada Hargeysa, waxa ay labada xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE iyo xukuumadda ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan u dhammeeyaan khilaafka kala qaybiyey xisbiga UCID, hadday dhammayn kari wayaana u gudbiyaan furayaasha xafiiska iyo arrintaba madax-dhaqameedka Somaliland si ay xal uga gadhaan.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa uu ugu baaqay xukuumadda in markay akhrido shuruucda xisbiga ay sida ugu dhakhsaha badan ugu soo wareejiyo ciddii xaq u lahayd, isaga oo tilmaamay in Faysal xaq u leeyahay furayaasha, madaama uu ahaa ninkii soo dhaweeyey markii hore dhammaan xubnaha ka soo horjeeda.

"Caawa [xalay] waxaan gocday inaan ka hadlo arrinta xasaasiyadda ku kicinaysa ummadda Somaliland ee xisbiga UCID. Xisbi waliba wuxuu leeyahay shuruuc iyo qodobo dastuuri ah, haddii la is yidhaahdo qas iyo qalaanqal geliya cid walba waxa soo qabanaysa shuruucda xisbiga.

Xisbigu markuu hoggaamiye beddelayo waxa uu ku beddelaa gole loo dhan yahay, laakiin waxa jirta mar aan gole waqtigiisu dhowayn, laakiin guddoomiyuhu awood u leeyahay cidna xisbiga kama beddelo cidna ku soo daro.

Xubnaha xisbiga ka tirsan ee iminka dhinaca kale ka soo jeeda - Aadan Waqaf oo kale waxba kala qarsan mayno ee guddoomiyahaa si cad u magacaabay isagoo markii hore ahaa wasiirkii gaashaandhigga, kabacdi markii xilka laga qaaday Faysal buu ahaa ciddii xisbiga ku soo dartay, golena laguma dooran, shuruud kalena looma marin. Markaa in xisbigii isku qabsado waa wax aan laaqi ahayn. Annaga waxay noo tahay qas iyo wareer in meesha loo jeedo in qaarkoodna la yidhi xisbiga soo burburiya waa wax dhici karta, laakiin xisbigu ma aha mid ku burburaya qof iyo laba; waa xisbi qaran axsaabta qaran ee labada ah hadday ka talin wayaan wanaagga iyo samaha UCID jiritaankiisa xisbina xisbi ma xukumi karo, mafaatiixdana kama ahaysan karo.

Madaxweynaha waxa furaha xafiiska loogu dhiibay inuu akhriyo shuruucda xisbiga u taal, kadibna ku soo celiyo guddoomiyaha xaqa u leh, ciddii xisbiga ku gardarrootana annagu waxaannu u aragnaa cid qaranimadayada baabinaysa. Sidaa darteed, maadamaa madaxweynuhu gacanta ku hayo furayaashii xisbiga waxaannu ka codsanaynaa inuu ku soo celinyo gacanta ciddii xaqa u lahayd ee mutaysatay, haddii taas la waayana xisbi-xisbi ka haysan maayo furayaashooda. Laba mid uun weeye in xisbigii furayaashiisii loo soo celiyo oo ciddii xaq u lahayd ee mutaysatay ee soo aasaastay oo gacantooda lagu soo celiyo iyo in cidii la yidhaa waa cidii waa lagaa xoog batay oo hadday xoog xoog noqoto ummaddu dagaal diyaar bay u tahay inay magaca xisbigooda ku dagaallanto."

Waxa kale oo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uu ku eedeeyey madaxweyne Siilaanyo inuu aqbalay shir lagu mijaxaabinayo qaranimada Somaliland, isaga oo xusay in go'aamadii ka soo baxay ay ka mid ahaayeen in madaxweynaha Somaliland la doonayey in laga dhigo madaxweynaha Soomaaliya madaxweynaha Puntland madaxweyne-ku-xigeen amma Ra'iisal-wasaare, waxaannu xusay in sidoo kale ciidammada Somaliland, Soomaaliya iyo Puntland la doonayo in la mideeyo, "Shirkii ay aqoonyahannada Soomaaliya oo dhan isugu yimaaddeen ummadda reer Somaliland may akhriyin go'aamada ka soo baxay, kuwaasna warbaahinta anaa u soo bandhigi doona. Waxa uu shirkaasi ahaa oo meesha laga rabaa burburinta Somaliland oo uu shirkaasi u furmay. Waxa la yidhi, waxa ka mid ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ha laga dhigo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, madaxweynaha Puntland waa inuu ku soo baxaa madaxweyne-ku-xigeen amma Ra'iisal-wasaare kolba siday isla qataan, ciidanka Sheekh Shariif UN-tu u tababara; ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland waa in laga dhigaa ciidammada qaranka Soomaaliyeed rag baa jirey soo maray madaxweynaha markay shirkaas ku socdeen oo ay ka mid ahaayeen Cismaan Kalluun iyo Sifir. Markii Sifir shirkaas ka soo baxay madaxweynaha way is arkeen, ballankii lagu kala tegayna e-mailkii uu u soo diray rag reer Jabuuti oo aanan magacyadooda halkan ka sheegayn wuxuu ku yidhi, madaxweynuhu wuxuu qabsaday muddo sidii uu u kala jab-jabin lahaa maamulka Somaliland. Waxaan filayaa in waxyaabahan dhacaya ee xisbiyadan lagu samaynayaa in taasi caddaynteeda ka mid tahay."

Suldaan Maxamed waxa uu Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey inuu ku soo wareejiyo furayaasha xafiiska xisbiga UCID odayaal-dhaqameedka dalka, haddii uu xalin karin waayo muranka dhex taagan xisbiga UCID.

"Waxaan leeyahay madaxweynaha heshiis keligaa ma geli kartid; ummadda Somaliland way u soo jeedaa gobonimadeeda iyo goonni-isu-taaggeeda. Aaxsaabtan muranka dhex yaal haddaad dhammayn kar waydo odayaal dhaqameedbaa jire oo soo dhex dheg furayaashana ku soo wareeji, waxaanan ku boorrinayaa madaxweynaha," ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in laga gardaran yahay garabka Eng. Faysal Cali-waraabe, waxaannu ku taliyey in si cad madax-dhaqameedku uga qabtaan garabka kale ee Faysal ka soo horjeeda, "Raggu hadduu is qabto cid uunbaa gardaran ma wada gardarna, mushkiladduse waxa weeye haddii runta loo kala sheegi waayo ayuun bay dhibaato tahay. Xisbiga UCID cidda isku haysaa maa ha cid gorgortamaysa ee waa cid kala gardaran, Waqaf iyo Cirrona waa laba nin oo gardaran iyaga iyo cidday wataan, waana raggii Faysal xisbiga keenay ee uu wax ka dhigay, waana in si cad oo xaqiiqo ah looga qabtaa amma madax-dhaqameed ha noqoto amma madax kale," ayuu hadalkiisa ku afjaray suldaan Xuseen Xaaji Cabdi.

No comments: