06 August, 2011

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo U Magacaabay Xasan Siciid Yusuf In Uu Noqdo Xoghayaha Guude Ee Xisbiga Kulmiye

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo U Magacaabay Xasan Siciid Yusuf In Uu Noqdo Xoghayaha Guude Ee Xisbiga Kulmiye.

Hargeysa/ToggaHerer 06 Aug 2011

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa Saaka Magacaabay Jagadii Xoghayaha Xisbiga Kulmiye  ee uu ka geeriyooday Alleh ha u naxariistee Mudane Kayse Xasan Cige in uu buuxiyo Booskaas Gudoomiyaha Jamhuuriya  Media Group Xasan Siciid Yusuf oo ay isku beel ka soo jeedaan Xoghayihii hore ee xisbiga alleh ha u naxariistee.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Md Muuse Biixi ayaa ku sheegay Buuxintan Jagadan Xoghayaha Guud in uu u  magacaabay Md Xasan Siciid  Si kumeel gaadh ahna uu jagadaas u sii hayn doono.

Gudoomiyaha ayaa sheegay markii uu la tashaday Hogaanka xisbiga, Gudida fulinta iyo waliba Xubnaha golaha dhexe, Xeer beegtida xisbigu leeyahay taas oo uu tibaaxay in uu u raacay xeerka xibiga ee qodobka 31 ee dastuurka xisbiga kulmiye in uu u magacaabay xoghayah guud ee xisbiga kulmiye Md Xasan Siciid Yusuf in uu ahaado Xoghayaha guud ee kumeel gaadhka ah ee xisbiga Kulmiye .

Mudana Muuse Bixii ayaa sheegay in uu Md Xasan Siciid uu Aqbili doono sidoo kalena uu hawshaa loo magacaabay uu sidii la doonayey uu uga soo bixi doono.

 

Mudane Xasan Siciid ayaa  ka mid ah wariyayaasha Waaweyn ee Reer Somaliland imikana waxa uu ahaa Gudoomiyaha Jamhuuriya Media Group Sidoo kalena waa mid ka mid ah Tiirarka Saxaafada Somaliland.

Warqabadka Togaherer
Hargaysa
Somaliland

Contact @TogaHerer.com

Editor@Togaherer.com

Togaherer@Gmail.com

No comments: