03 August, 2011

Dhul gariir xalay gilgilay Boorame ilaa qaybo ka mid ah Hargaysa

Dhul gariir caawa xalay Boorame ilaa qaybo ka mid ah Hargaysa

Gudoomiyaha Haydada Cilmi baadhista Iyo u diyaargarwaga Aafooyina Dabiiciga ah ee Nerad Pro Maxamed Muse Cawaale ayaa sheegay kana warbixiyey Dhul gariirkii laga dareemay Magaalooyinka Somaliland qaar Ka mid ah.

 Pro Maxamed Muuse oo warbixin kooban bixiyey ayaa sheegay in Ruxanka Dhul gariirkan laga dareemay Magaalooyinka Hargeysa,Borama , Wajaale , Gabiley Cabirkiisuna ahaa Qiyaasta Cabirka Dhul gariiryada 4.6 waxaanu ahaa mid heer dhexe ah.

Gudoomiyaha ayaa intaa raaciyey in dhul gariirkani ka badnaa qiyaas ahaa dhul gariiryadii sanadkii hore laga dareemay Gobolka Awdal .

Dhinaca kale khasaaraha soo gaadhay Magaalada Borama ee ka dhashay Dhul gariirkan ayaa lagu sheegay in ay gaadhayaan ilaa 190 Guri oo dildilaacyo iyo Dhawacyo soo gaadheen, ilaa iyo hadda se  ma jiraan wax Khasaare oo dhaafsiisan Gurayhaa oo jiraa  wax dad ahina waxba kuma noqon.

Dhinaca Hargysa waxa xalay laga dareemay qaybo ka mid ah magaalada Hargysa dhulgariir xoogan iyada oo aan aad looga war haynin baaxada uu leegyahay dhulgariirkaasi ayaa wariyaha qaran news ee Hargysa ayaa goordhawayd xaqiijiyay in uu jiro dhul gariir aan la garanayin baaxda uu leegyahay sida uu ugu baahsanyahay magaalada, waxanu xaqiijiyay in dhulgariirka ugu baaxda weyni uu ka dhacay buurta u dhaxaysa xaafadaha Cabaaye iyo Sheekh madar.

Waxanu uu sheegay in uu dhulgariirkani uu dhacay 2 habaynimo saacada Hargysa, wariye Maxamuud Xueen , waxa uu sheegay in dhulgariirkani laga dareemay xaafada Jigjiga yar, waxana uu sheegay in aanay ilaa hada jirin wax khasaare ah oo la soo sheegay oo uu gaystay dhul gariirkaasi.

Mar uu la hadlay xaafadaha Calaamadaha waxa ay dadkii uu la hadlay ay u sheegeen in ayna wax dhul gariir ah ayna dareemin, hase ahaatee qaybo ka mid ah xaafadaha new Hargysa ayaa laga dareemay, waxana uu sheegay in sariiraha aqalada yaala qaarkood ay dhaq dhaqaaq ay sameeyeen.

Wax warah oo rasmi ah lagama hayo dhulgariirkaasi, hase ahaatee wax la isku raacsanyahay in aanu wax bur bur ah iyo dhimasho toona aanu keenin, xiligani oo ay tahay ramadaan oo ay dadku habaynkii iska soo jeedaan badiyaa ayaa waxa ay dadkii ka cabsnayaan in ay aqalada dib ugu laabtaan xaga dadka qarkii ay dibadaha iska fadhiyaan qaar kalena dibada iska seexdeen, xaga dadka badankoodii ay guryaha iskaga laabteen.

No comments: