Hargeysa, August 25, 2011 (Haatuf) - Maxkamada Sare ee dastuuriga Somaliland ayaa shalay bilowday dhagaysiga dacwada garabyada xisbiga UCID isku haya dacwadaasi. Dhagaysiga dacwadan oo uu guddoominayay gudoomiyaha Maxkamada sare Yusuf Ismaaciil Cali iyo Afar xaakin oo kale ayaa ku bilaabantay jawi dagan, waxaanay garyaqaanada labada garab kusoo bandhigeen dacwadooda ku aadan sheegashada sharciyada xisbiga UCID. Dacwada ayaa socotay muddo ku dhaw 3 saacadood oo xidhiidh ah. Intii dacwadu socotay waxa si lama filaan ah u kacay Xuseen Xasan Badmaax oo ka tirsan UCID, taas daraadeedna laga saaray maxakamada lana xidhay muddo gaaban.
Markii uu dhamaaday dhagaysiga dacwada ayay maxakamadu ku dhawaaqday inay dacwada dib ugu dhigtay wakhti aan la cayimin.
Dhanka kale dibada maxakamada sare waxa soo buux dhaafiyay dhalinyaro Basas wata oo taageersan Faysal Cali Waraabe, sitana calamada xibiga UCID, Hase ahaatee aan waxba u dhimin amniga iyo dhagaysiga dacwada.
Faysal Cali Waraabe ayaan isagu iman madasha, waxaana matalayay garabkiisa Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), C/nasir Yusuf Qodax iyo xubnihii kale ee dhawaan uu Faysal u magacaabay guddida fulinta xisbiga.
Garabka kale waxa joogay dhagaysiga dacwada Aadan Waqaf, Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Muuse Xaaji Guuleed Inji, Maxamed Xasan Dirir iyo Faysal Fagfagaash.
Dacwadana ayaa noqonaysa dacwadii ugu mudada dheerayd ee khusaysa arin siyaasadeed intii Somaliland jirtay. Lamana garanayo wakhti ay maxakamadu dacwada dib u furi doonto ama ay soo saari doonto go'aamadii ka soo badhay dhageysiga dacwada xisbiga UCID.
No comments:
Post a Comment