17 July, 2011

Waa Haatufka Maanta ee ay qortay waragayska madaxa banaan ee Haatuf

Waa Haatufka Maanta ee ay qortay waragayska madaxa banaan ee Haatuf

Rasaasta ku habsatay waabarigiii shalay Agoomihii iyo Naafadii SNM-ta ee ay Jaarka ahaayeen Guriga Madaxweyne Siilaanyo may ahayn wax looga fadhiyey xukuumddan uu Wasiirka Arimaha Gudaha ka yahay ninka reer Mudug, Badhasaabka Hargeysana ka yahay yarkii Sinxiga Baastada ah ku toogtay Nin Maqaaxi ku haystay Lafta-Faraweyne.

USAID-baa xarun u dhisaysa Wasaarada Arimaha Gudaha oo dhul loo daydayayaa may ahayn sabab Afarta subaxnimo ay Gaboose, Xamarji iyo Deeq-yare oo Musuqmaasuqii ugu weynaa lagu hayo ay weerar ku soo qaadaan dumar iyo caruur aan waxba galabsan, haddii dhul wax laga dhiso la doonayo meeye Baloodhadii danta guud ee ay liqeen, sawkuwan ka soo jeeda ina Uurcade iyo Deeq maa iyaga laga qaado, inta bilista Xaawalay lagu dhug baranayo ee dhafoorka laga tooganayo.
Gaboose iyo Astaabtiisa waxay fuliyeen qayb ka mid ah hawlgal balaadhan oo ay dadka ku nacsiinayaan xukuumadda hadda jirta, halka uu Siilaanyona moodayo inay Nabad iyo Amni ugu maqan yihiin.
Waa ninka Madaxweynaha ka qariyey wixii Shacabka shalay ka dhacay ee marka uu ka warbixinayey isagoo u sakhiraya yidhi Aloore Waxba may dhicin Duq kaliya ayaa la dakhray, isaga oo dafiraya in Gabadh da'yar la toogtay, mid kalena dakhar dhaawac culus gaadhsiiyey loo geystay, in ka badan 100 qoys oo maati ahna la galalafay oo Cagaf la galiyey buulashii ay ku Asturnaayeen.

Haatufka maanta
Source: Haatuf Media Network

No comments: