25 July, 2011

Shalay Iyo Maanta:Waxyaalihii Siilaanyo La Tuurta Lahaa Xiligii Mucaaridka Ee Hada La Toosan

Shalay Iyo Maanta:Waxyaalihii Siilaanyo La Tuurta Lahaa Xiligii Mucaaridka Ee Hada La Toosan
HAATUF

Xibiga Kulmiye ee talada dalka haya oo doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26 June 2010-kii codadka aqalabiyada ah jaga guulaystay labada xisbi ee mucaaridka ah Udub iyo Ucid, ayaa xilligii Kulmiye Mucaaridka waxay xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale si weyn ugu dhaliili jiteen maamul xumo, musuqmaasuq, waxqabad la'aan, ku tumashada shuruucda dalka iyo distoorka qaranka, ku tacadiga shacbiga iyo xadhiga sharci darada ah ee aan loo marin sifaha sharciga waafaqsan ee ay ku qaadi jirtay suxufiyiinta iyo muwaadiniinta, falalkaasi oo madaxweye Axmed Siilaanyo xilligii uu ahaa gudoomiyaha Kulmiye uu ku eedayn jiray xukuumaddii hore ficiladaasi, kuna tilmaami jiray talaabooyin Digtaytarnimo.

Waxyaalaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo tuurta la lahaa xilligii ay mucaaridka ahaayeen ee hadana la toosnaaday, waxa ka mid ah:-

Talaabadii ay ciidanka Bilaysku todobaadkii hore ay rasaasta u adeegsadeen qoysaskii danyarta ahaa ee awooda lagaga raray dileedka xafiiska badhasaabka gobolka maroodi jeex, weerarkaas oo ay Bilaysku rasaastii ku rideen maatida iyo agoomihii SNM ka soo jeeday ay ku dhaawacmeen gabadh yar oo 18-jit ahi, taas oo xabadii madaxa kaga dhacday ay xukuumadu ku dafirtay in dhagax ku dhacay.

Dhacdadaas oo ahayd dhacdooyinkii xukuumada xilligii mucaaridka la foosha xumaa hadase la toosnaaday, taas oo ah arrin uguba in qof xabadi ku dhacday lagu sheego in dhagax ku dhacay. Ololayaashii dadka ee waji ku macaashka ee xukuumaddii hore ee Udub ay u adeegsan jirtay, kadib hadalka dadka dhaliila, oo Kulmiye ku tilmaami jiray arrimo fool xun oo udub u adeegsan jirtay hantida qaranka, ayaa iyaguna ka soo shaac baxay xukuumadda Kulmiye.

Shaqaalaha dawlada ee xukuumaddii hore ay ku eryi jirtay taageerada xisbiga Kulmiye, islamarkaana xukuumadu xilligii ay mucaaridka ahayd ay ku tilmaami jireen arrin xad-gudub iyo meel ka dhac ku ah xuquuqda muwaadininta ayaa hadana waxa dhacday in xilligii xukuumudu talada dalka la wareegtay, in shaqaale hoosaad badan oo ka hawl gali jiray wasaaradaha iyo hay'adaha dawlada Udub bay taageeri jireen, islamarkaana lagu soo badalay hawlwadeeno cusub oo lagu soo xushay halgankii Kulmiye. Taas oo ugu yaraan in ku dhaw afartan oo iskugu jiray saraakiil iyo haw;wasdeeno ka hawlgalayey wasaarada arrimaha gudaha la sheegay in wasiirka Gaboose shaqadii ka dareeriyey.

Waxa kale oo ka mid ah waxyaalaha xilligii mucaaridka xukuumadda Siilaanyo tuurta la lahaa ee hadana la toosan, qof lagu sheegay in dambi uu galay loo soo xidhay oo isaga oo aan maxkamad ka horgaynin hadana la sii daayo iyada oo aan si cadna loo sheegin in dambi lagu waayay.

La soco....

No comments: