
Hogaanka Xisbiga UCID oo sheegay haddii ilaa makhribka loo keeni waayo Fuyrayaasha Xarunta Dhexe ee Xisbiga wixii dhaca ay masuul ka tahay Xukuumadu..
Hargeysa/ToggaHerer 31 July 2011
Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Xogahayaha Arrimaha Gudaha Iyo xidhiidhka Gobolada Md Maxamed Adem Qabo Xogahaya Guud ee Xisbiga Md Maxamuud Jiir iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Dalka Saudi Arabia Md Axmed Cali Mahdi oo goor dhawayd shir Jaraa`id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in haddii Furayaasha xarunta Xisbiga Caawa Fiidka ilaa iyo inta uu gabalku madow yahay lagu soo wareejin waayo in wixii dhaca ay masuuliyadeeda qaadi doonto Xukuumadu.
Cid aanu imika is haysaana ma jirto oo xisbiga ahi waxa aanu is haysanaa waa Xukuumada Xukuumadii ayaa xidhay xafiis kayagii xisbiga Qaran ee 10 sano jiray .
Waxaanu ku cadaynaynaa in ay xukuumadu ku jirto Wasiiradeeda Qaar ka mid ah ayaa ku jira Waxa ku jira Gudoomiyihii Baaralmaanka oo 24 Saacadood Madaxtooyada ku jira Waxaanu ka digaynaa in ay cawaaqib xumo ka iman doonto haddii aan laga noqon haddii aan Xafiiska furihiisii naloo keenin .
Wixii Halkaa ka dhaca Bari ee dhibaato ah waxa dhabarka ku qaadan doonto Dawlada Somaliland Madaxweynaheeda iyo xukuumada Talada haysa.
Masuuliyiintana ayaa intaa ku daray in ay arrintani tahay in Nabadii Somaliand lagu soo duulay arrintuna tahay Gar daro Garab og wixii ka yimaadana ay Masuuliyadeeda Madaxtooyadu qaadi doonto.
Maanta waad og tihiin in beel kastaaba shirayso Axmed Maxamed Siilaanyo maalintii Rayaale wuxuu ku yidhi waxaan kaaga tagayaa Dal iyo Dad Midayasan in uu taa ilaaliyo ayay ahayd se u malayn mayo in uu ilaalinayo .
Halkan Hoose ka dhagayso Gudoomiye Faysa Hadaladiisii ..
Halkan Ka dhagayso Hadalkii Xoghayaha Arimaha Gudaha Md Maxamed Adem
Halkan Ka dhagayso Hadalka Md Axmed Cali Mahdi Wakiilka Xisbiga Wadanka Saudi Arabia
Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa/Somaliland
No comments:
Post a Comment