"Haddii Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenka Xisbigoodu Ku Soo Bixi Waayo Tartanka Doorashada Deegaanada Waxa U Furan Inay Ku Biiraan Xisbigay Doonaan"
Wax Ka Badalka Iyo Kaabista Xeer Lr 14
Hargeysa, July 20, 2011 (Haatuf)-Guddiga arrimaha gudaha wakiilada Somaliland ayaa wax ka badal iyo kaabis ku soo sameeyay xeerkii nidaamka axsaabta iyo ururada siyaasada xeer lr 14/2000, kaas oo ay qodobo badan oo aan hore ugu jirin ay ku soo kordhiyeen, halka qodobadii hore qaar ka mid ahna ay wax ka badal ku soo sameeyeen.
Guddiga arrimaha gudaha wakiilada ayaa sidoo kale wax ka badalkii uu ku soo sameeyay Madaxweynuhu xeerkaasi qodobo ka mid ah iyagu gabi ahaaanba iska dhinac maray, islamarkaana golaha soo hor dhigay wax ka badalka iyo kaabida cusub ee xeer lr 14/2000 ay ku soo sameeyeen.
Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro), oo gudoominayay fadhiga shalay ee guddiga arrimaha guduhu golaha soo hordhigtay wax ka badalka xeekaasi axsaabta iyo ururada siyaasada, oo gudoomiyaha guddiga arrimaha guduhu Siciid Cilmi Rooble golaha warbixin ka siiyay qodobada ay wax ka soo badaleen iyo kuwa ay kusoo kordhiyeen, oo qaar ka mid ah mudanayaasha muxaafidka ee Kulmiye ka soo jeedaa dareemo sas leh ka abuurmeen.
Guddiga arrimaha gudaha wakiiladu qodobka 3aad ee guddiga diiwaangelinta ururada siyaasada farqadiisa 3aad, oo magacaabista todobada xubnood ee guddigaasi madaxweynuhu kalidii soo magacaabi jiray ayaa waxay u badaleen, in saddex xubnood madaxweynuhu soo magacaabo, afarta xubnood ee kalena soo magacaabaan guurtida iyo wakiiladu, muddada xilkoodana ay ka dhigeen muddo sanad ah halka hore xilkoodu u ahaa lix bilood.
Waxa kale oo xeerka cusub ee wax ka badalka iyo kaabida xeer lr 14/2000 qodobada isbadalka ay ku sameeyeen ka mid ah qodobka 6aad ee kala reebida ururada/xisbiyada u tartama doorashada deegaanka farqadiisa 1aad, oo u dhignayd saddexda urur ee doorashada dawladaha hoose codadka gobolkasta ka hela 20% loo aqoonsanyo xisbi qaran waxay u badaleen saddexda urur ee doorashada dawladaha hoose codadka gobolkasta ka hela 10% ayaa loo aqoonsanayaa xisbi qaran, halka ay ku soo cadeeyeena urur iyo xisbi kasta oo golayaasha deegaanka ka hela ugu yaraan saddex gobol min shan kursi waxa loo aqoonsanayaa urur jira oo diiwaan gashan, islamarkaana xaq u leh inuu ka qaybgalo doorashada deegaanka.
Qodobka 6aad farqadiisa 5aad oo aan hore ugu jirin, ayaa waxay u dhigan tahay:
Tobankii sano-ba waxa la abuuri karaa urur siyaasadeed si waafaqsan xeerkan, hase yeeshee waa in la abuuraa ugu yaraan lix bilood ka hor maalinta la qabanayo doorashada golayaasha deegaanka, kaas oo muddada jiritaanka axsaabta ay ka dhigeen toban sano halka aanu xeerkii hore cadaynayn.
Qodobka 25 xisbiga dhaca ama ururka u gudbi waaya xisbi oo isagu ah qodobada aan hore ugu jirin xeerkii hore, balse ka mid ah qodobada ay ku soo kordhiyeen ayaa waxay ku soo cadeeyeen farqadiisa 4aad haddii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka xisbigoodu ku soo bixi waayo tartanka doorashada deegaanada inay u madaxbanaan yihiin inay ku biiraan xisbigay doonaan waxaanu u dhigan yahay:-
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu waxay dhamaysanayaan muddada xilkooda haddii xisbigoodu soo bixi waayo waxa u furan inay galaan xisbiga ay doonaan.
Golaha wakiilada ayaa soo jeedinta guddiga arrimaha gudaha iyo wax ka badalka xeer Lr 14/2000 maanta uga doodi doona , kaas oo la filayo in qodobadaasi doodoodu adkaato.
No comments:
Post a Comment