31 July, 2011

Haatufka Maanta: Muxuu Ka Yidhi Kooxda Xisbiga Ucid Ka Dhextoostay

Haatufka Maanta: Muxuu Ka Yidhi Kooxda Xisbiga Ucid Ka Dhextoostay

Horta nimankan ina Cali Waraabe Xisbigiisii ku haystaa miyaanay isla yaabayn, ma wax ay ku darsadeen oo ay kula Shuraakoobeen ayaa jiray? Sawtii la ogaa cod ay UCID u keeneen daayoo in aanu jirin Shilin ay galiyeen oo Xisbiga kaga baxay.

 Nimankii UCID ku noqday Guddoomiye Baarlamaan, Xildhibaano laga doorto Hargeysa iyo Maayir ku xigeenkii Caasimadu may ahayn inay maanta xag-xagtaan ninkii u suurto galiyey inay xilalkaa haleelaan oo ay waliba si sharci daro ah ugu qabsadaan Guddoomiyenimadii Xisbiga.

Bal may ugaba tagaanoo haday wax isla hayaan mid kaleba samaystaan kol haddii ururadii la furayo amaba ay ku dhawaaqaan shirweynihii xisbiga oo ay iska dhex xulaan guddi qaban qaabona u magacaabaan.
Guddoomiyeyaasha sawtii laga dhex dooran jiray ama lagu bedeli jiray Shirweyne xisbi ama mid gole dhexe. Waa maxay guddi fulineed baa ku eriday ee meesha nooga kac!.

 

No comments: