Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa maanta Mar uu waraysi Khaas ah Siiyey Shabada Wararka Ee Togaherer , Wargayska Geeska Africa iyo TV Royaltv ku sheegay in xaaladu meel khatar ah marayso una baahan tahay in xukuumadu soo faro galiso.

"Anigu Waxaan Sugaayey Marka uu madaxweynu soo galo In Arintani waa Arin degdeg ahe waanu ii balan qaadaye Khamiistii Galinkii Dambe markuu yimid in habeenimadii uu ii yamaado ayaan sugaayey imanuu iiman"
"Ilaa Xalayto waxaan la hadlay Ilcase , Cukuse ,Cali yare , Muuse Biixi,Maxamed Kaahin waxaan idhi balantaas ayaa jirta ee Sabtida hadaan la xalilin Dhibaato ayaa imanaysa ee furahaygi ha la ii keeno waxaanay iigu jawaabeen in la ii soo celinaayo Xalay 11:00 markay ahayd ayaanu ogaanay in amar la bixiyey ah in aan cidina galin anigaygii sharciga ahaa iyo nimankii yidhi waanu ridnay"
"Gaboose Si wanaagsan ayuu iila hadlay Waxa uu igu yidhi qolodii kale ayaan u yeedhayaa hadii aanu wax kala qaadan waynu madaxweynaha yaan odhanayaa gacanta gali waxaanuu igu yidhi taageerayaashaada dheji"
"Markii taageerayaashaydii ay is tumeen xarunta horteedii ee ay yidhaahdeen khasab ku gal waan diiday oo waxaan idhi arintii xukuumada ayaa gacanta kula jirta ee aynu ka warsugno kadibna rasaas ayey iskaga fureen ciidamadi police ka ahaa"
"Somaliland dadka ma kala saarto waatii igu kaliftay markii 2009 igu kaliftay in aan international cummunity aan keeno ee lixda qodob ee aanu ku kala baxnay keentay"
No comments:
Post a Comment