19 July, 2011

Guddi hoosaadka Arrimaha Gudaha oo Golaha horgeeyay soo jeedintii furashada ururada siyasadda

Guddi hoosaadka Arrimaha Gudaha oo Golaha horgeeyay soo jeedintii furashada ururada siyasadda

Hargeysa - Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha iyo difaaca ee Golaha Wakiilada ayaa maanta Aqalkaasi horgeeyay wax ka bedelka xeerka doorashooyinka iyo lifaaqa soo jeedinta furashada ururada siyaasada.

Fadhigii Golaha Wakiilada oo uu Guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Md, C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa Mudaneyaasha loo qeybiyay soo jeedinta Gudida arrimaha gudaha iyo xeerka doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha iyo difaaca ee Golaha Wakiilada Md. Siciid Cilmi Rooble, oo ka hadlay fadhigaasi ayaa tafaasiil ka bixiyay soo jeedinta lifaaqa furashada ururada siyaasadda.

Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay waxyaabaha ay isbedelka ku sameeyeen waxaanu tilmaamay inay ka mid yihiin deebaajiga oo ay hoos u dhigeen.

"Dhalinyarada ayaan ka farxinayaaye'e waxa xeerka doorashada ku yaalay in Goleyaasha lagu geli karo 36 jir, waxaanu markaa nidhi dhalinyarada ka qalin jabiyay jaamacaduhu way hoggaamin karaan xisbiyada waxaanu da'dii ku soo ururinay 30 jir,"ayuu yidhi Md. Siciid Cilmi Rooble.

Guddooniyaha Guddida oo ka hadlayay deebaajiga laga doonayo ururada siyaasadda waxaanu yidhi "Waxa jiray deebaaji ku qornaa lifaaqa madaxweynaha oo la yidhi halaga qaado ururada cusub ee la furayo deebaajigaasi oo ahaa 25 kun oo Dollar, aad ayaanu arrintaasi Guddi ahaan uga doodnay waxaana aanu ka dhignay 20 kun oo Dollar. Waxaan qabaa haddii dadku wax wada yeesho in lacagtaasi shilin shilin loo bixin karo."

"Waxa jira niman Wasiirro doon ah oo inta ay ururo iska furtaan,hadhowna ku baayactama,waxaanu imika meesha ka saaray dilaalistii,"ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.

Guddida arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladu waxay soo jeediyeen in la sameeyo guddidii diiwaan gelinta ururada cusub, waxaanay sheegeen in Guddidaasi oo ka kooban 7 xubnood oo 3 ka mid ah Madaxweynuhu soo xulayo, halka 2 xubnoodna ay soo xulayaan wakiiladdu, laba xubnood ee kalena waxa soo xulaya Guurtida.

Guddida arrimaha Guduhu waxay soo jeediyeen in ururada siyaasada la furo 10-kii sanadoodba hal mar si xisbiyadu u kobcaan.

No comments: