03 June, 2011

Wasiirka Maaliyada Oo Dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Maaliyada Oo Dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka waxa maanta madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiirka Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir Ku xigeenka Maaliyada Warsame Siciid Cabdi iyo masuuliyiin kale.

"Waxaan socdaal u tagay dalka Sucuudiga ILAAHAY ayaa mahad lehe waan soo noqday waanan soo dhamaystay hawshii aan halkaasi u tagay aad iyo aadna waan u fiican nahay, waa ILAAHAY mahadii inaan dalka ku soo noqdo anigoo caafimaad qaba. Dhakhataro wanaagsan iyo cisbitaalo qalab wanaagsan haysta ayaan tagay Sucuudigu waa meel horumartay sida runtii oo aqoontii iyo hayntiiba isku darsatay. Waxaanan kala kulmay wanaag,"ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda oo madaarka ugu waramayay saxaafaddu.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

No comments: