04 June, 2011

SHANTII JUNE JEBINTII JEELKA MANDHEERA ( 5-6-1988 ) QAYBTII KOOWAAD

SHANTII JUNE JEBINTII JEELKA MANDHEERA ( 5-6-1988 )
QAYBTII KOOWAAD
Abdirizak Ibrahim Koshin
( ALPHO )

Wakhtigii loo balamay inay dhaqaaqaan ciidamadii SNM oo ahayd wakhtiga loo yaqaan ( 0 ho ur ) –ka kuna beegnayd 26- 5- 1988 –kii, ayaa ciidankii SNM ee ku aadanaa dhinaca barigu, lo ona ya q aanay aaga madiini, u dhaqaaqeen dhankaa iyo magaalada Burco, halka qaybtii Maki dib uga dhacday saacaddii dhaqaaqa duroofo u gaar ah awgeed.

Sidaasi daraadeed ayaa labada guuto ee kala ahaa Sayid Ali iyo Barkhad oo ka tirsanaa qaybta Makah kuna jahaysnaa koonfurta Hargeisa ay aagoodii u badaleen Cadaadley iyo Mandheera.
Aaga dhexe waxa uu deganaa meesha la yidhaa Bisad, waxaanu ka koobnaa:

1. Guutada Sayid Ali
2. Guutada Barkhad
3. Guuto waqtigaa la sameeyay oo loo bixiyay Sayid Cumar-ka labaad
4. Urur ka tirsanaa Sheikh Sancaani.


27- 5- 1988 kii waxa Bisad tegey Jaamac Cali Cilmi oo markaa ahaa xoghayaha Ciidamadii SNM, w axaanu halkaa kula kulmay saraakiishii hogaaminaysay ciidamada kor ku xusan. Waxay halkaa i ska raaceen; Axmed Xasan Adan ( Waysa Cadde ), Xuseen Axmed Guuleed ( Xuseen Dheere ) iyo Maxamed Cali Farax ( Maxamed Cali ).

Waxay meel Balli Gubadle ah agteeda ugu tageen taliskii labada qaybood oo shiraya, markii ay k a soo noqdeenna waxay isla qaateen in la sameeyo, guuto ka kooban boqol iyo lixdan mujaahid ( 160 ) oo uu kaxaysto Maxamed Cali, si ay jid goyn ugu sameeyaan ciidanka gurmad ka ah ee k a imanaya dhinaca Hargaysa una socda dhinacaa iyo magaalada Burco.

28.05.1988 galinkii hore Mohamed-Ali iyo guutadiisii waxay degeen meesha layidhaa DABIS oo u dhexaysa Dhubato iyo Cadaadley. 2:00pm duhurnimo ayaa cadawgu soo weeraray waxaana la ys haystay oo laysla gaadhay ilaa gabal dhacii. Halkaana waxa mujaahidiinta kaga shahiiday 10 mujaahid. Waxay cadawga u gaysteen khasaare weyn, gurmadkii laga soo diray Hargeisa iyo Ca daadleyna way burburiyeen, kadibna waxa cadawgii isku urursaday Gadhka Warsame Xaad.
6:30pm ayaa Mohamed-Ali ka baxay Dabis waxaanu degay Casaha u dhexeeya Dacar-budhuq iyo Cadaadley.

28.05.1988 duhurkii markay ahayd ciidankii Bisad ku urursanaa waxay u diyaar garoobeen dhaq aaq. Waxa ay dhaqaaqeen 4:00 pm galabnimo ayagoo waajib haysta in ay Cadaadley galaan. 
Xoogoodu waxa uu ka koobnaa:

1. Guutada Sayid Ali, taliye guuto mujaahid G/dhexe Ahmed Hassan Adan ( weysa-cade). Tirada guutadu 160 nin

2. Guutada Barkhad, taliye guuto mujaahid Mohamed Ismail oo ahaan jiray macalin tirada guutada 160 nin.

3. Urur Sh.Sancaani, taliye urur G/dhexe Adan-dheere tirada ururka oo ahayd 50 nin.

4. 100 nin oo reer miyi ah (gaas-dhagoole) oo la socday taliyaha qaybta mujaaahid G/dhexe Hu sein Ahmed Guled (Husein-dheere) Ciidamadaasi Waxay habeenkii 28.05.1988 u hoydeen WAAB O-CADO oo 27km u jirta Daba-gorayaale kana xigta xaga xuduudka. 6:00am subaxnimo 29.05.19 88 ayay dhaqaaqeen waxayna xadka Labi sagaale ka talaabeen 10;00am subaxnimo, waxay sii mareen Ali Adan,Qoton Dabo, Waraabelay,Looliye,Xasan Qodaar iyo Shimale. Waxa sa hankii u danbeeyay lagu sugay isla markaa waajibkii u danbeeyay lagu kala qaatay Shimale.

Waajibkii waxa uu ahaa sidan

1. Sayid Ali inuu qabto taliska guutada 86naad oo ugu adkayd uguna xooganayd
2. Barkhad inuu qabto taliska gaaska 12naad.
3. Sancaani inuu qabto ilaalada kowaad ee Cadaadley oo fadhigeedu ahaa Weeraarta.


Sawirkani wuxuu muujinayaa sidii ay waajibka u kala guteen

Gaaska Couldn't 12:30pm guutada 86naad
12 guutada 86
gaas 12 
6:00pm qabsaday
5:30pm 5:30pm
Barkhad/taakulaynta Sayid Ali 




Weeraarta Ilaalada.



Sancaani 5:00PM

Sida sawirku muujinayo 5:00pm galabnimo ayuu weerarku bilaabmay

1. Ururka sancaani 5;00pm galabnimo ayuu xabadii ugu horaysay ku bilaabay ilaaladii cadawga oo fadhigoodu ahaa Weeraarta, waxay ku guulaysteen in ay baabiiyaan dhamaanba cadawgii markay saacadu ahayd 5:15pm, waxayna difaac ka galeen koobtii ilaaladu fadhiday intii uu dha maanaayay waajibaadkii ciidamada kale.

2. Guutada Sayid Ali 5:30pm galabnimo ayay weerarka ku bilaabeen guutadii cadawga ee 86na ad, oo ahayd guutada ugu adkayd uguna xooganayd ee loogu talo galay in ay difaacaan, dhama an jiida Cadaadley iyo in ay u gurmato dhamaan fadhiisimahii cadawga ee xuduuda teedsanaa. 6:00pm galabnimo ayaa Sayid Ali ku guulaystay in ay baabiiyaan dhamaan guutadii 86- naad ee cadawga, isla markaana gacanta ku dhigeen fadhiisinkeedii. Waxa Sayid Ali ka shahiiday 4 mujaahid oo kala ahaa a) abaanduulihii guutada S/Ali mj: G/dhexe Ahmed Jama Saban ( janan oogo). b) mj: siciid Husein Hassan (gudhe) c) mj: Mohamoud Haybe Geele-durdur (oston). d ) mj: Suleman Ismail (hawiye) waxa ka dhaawacmay mj: Abdi Ali Cariish

3. Guutada Barkhad iyo taakulayntii gaas-dhagooluhu, 5:30pm galabnimo ayay weerarka ku bilaabeen gaaskii 12 ee cadawga oo ahaa taliskii cadawga. Barkhad wuxuu dagaalamay ilaa 12:00am habeenimo, waxaana ka shahiiday 3 mujaahid. Markay ahayd 12:30am habeenimo ayay Barkhad dib u soo baxeen, waxayna yimaadeen taliskii guutada 86naad ee Sayid Ali ka qabsaday cadawga.

Ururkii Sh.Sancaani oo soo buburiyay ilaaladii cadawga, dhamaan ayaa 12:30am habeenimo yimid taliskii guutad 86naad oo xarun u noqotay mujaahidiintii SNM.Halkaana waxa lagu kala qaatay wajibaadkii u denbeya.

La soco qaybta danbe.

No comments: