Gabadh Dhaawac Culusi Caloosha Ka Soo Gaadhay Oo xalay Laga Helay Xaafada Sheedaha ee Hargeysa
Hargeysa – Gabadh magaceeda la yidhaahdo Nasra Yuusuf Cabdi Shide, ayaa xalay fiidkii dhaawaceeda laga helay xaafada Sheedaha ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, iyada oo dhaawac ah oo rasaasi caloosha kaga dhacday.
Gabadhan oo khasnajiyad ka ahayd shirkada laydhka ee Indho-birta ee laydhka u shida xaafada Idaacada, waxa la sheegay in ay caawa fiidkii ka rawaxday xafiiska ay shirkadaasi ku leedahay xaafada Garoonka Xawaadle ee degmada 26 Juun.
Waxa la sheegay in gabadhan uu gaadhi ka qaaday xafiiskaasi, Nasra Yuusuf Cabdi Shide oo dhaawac culus ka soo gaadhay caloosha, ayaa caawa la dhigay cusbitaalka Red Sea ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo qaliin lagaga sameeyey caloosha.
Ma jiro wax war ah, oo ciidanka boolisku ka soo saareen dhacdadaasi, hase yeeshee, waxa ay saraakiisha boolisku sheegeen in lagu daba jiro ciddii falkaasi geysatay.
Boqolaal ka mid ah, dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa gaar ahaan degmada 26 Juun, ayaa isa soo dhoobay cusbitaalka dhaawaca gabadha la geeyay oo ku yaalla ka soo horjeedka Idaacada Radio Hargeysa.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
No comments:
Post a Comment