RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
12 June, 2011
Dhanxiir; waxaad ka warrantaa basaaskan laba-gardaaqa ah ee markii ciidanku qabteen...
Dhanxiir; waxaad ka warrantaa basaaskan laba-gardaaqa ah ee markii ciidanku qabteen...
Maansha Allaah; Alleylehe, bad iyo berriba ammaankeennu waa sugan yahay, kol haddii budhcad-badeed iyo argagixisaba ciiddeenna iyo biyaheenaba ka caageen inay cagaha soo geliyaan. Laashka yar ee xeebaha Land-ta xarriiq ku soo xad-gudbaba tudh baa la siinayaa oo xaataa kalluunka badda ku jira ayaa wada basaasiin ah oo warbixinta soo gudbiya. Bal eega qoladan habeenka madaw intay soo tustay markiiba Berbera iyo Saylac lagaga baxay ee cagaha wax ka dayey.
Weger; Adeer, ammaanka Illaahay baa haya oo wixii lagu qoray kolley ku seegi maayaane, waxaad ka warrantaa basaaskan laba-gardaaqa ah ee markii ciidanku qabteen isagoo Itoobiya u adeegaya la soo baxay kaadhkii Land-ta ee oodda laga qaaday iyo dawladdan afka iska xidhatay ee wax war ahba laga laayahay? Waa kuwii xilligii mucaaridka odhan jiray saxaafaddu warkeeda way heli doontaaye talow ma xilkaa wata xummadda war nacaybka?
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment