A/C
Salaan kadib, waxaan ka mid ahay akhristayaashe mareegaha wararka somalida ee internetka, waxaan moodaa in waayadan danbe uu xaalku
noqdey anigoo reer hebel iyo qabyaalad qayaxan.dhamaan bulsho weynta reer somaliland waxaan ka codsanayaa, inay iska ilaaliyaan waxyaabaha
kala fogeynaya bulshada.
maamulada mareegaha waxaan si xishmad leh idiinka codsanayaa inaad kala huftaan, maqaalda la idiin soo diro, oo kuwa qabyaalada isku dirka shakhsi
caygaba aydaan soo qorin, walaayaal kala shaandheeya, iska hubiya qofka maqaalka soo qora. waxaadna ogaataan in soomaali oo dhan la idin soo
booqato, oo meel walba caalamka la akhristo bogagiina internetka. hadaba walaalayaal ha noqonina sida mareegaha xagjirka ah ee dad gaar ahi soo
booqdaan.
waxaa runtii amaan leh, mereegaha TOGAHERER iyo OODWEYNE oo ay xilkasnimo ka muuqato, idinkana waxaan odhan lahaa , faajignaada
oo hadalada fidnada xabaarsan ha soo qorina,kuwa u xuubsiibtey ka shaqaynta xumaata oo aanan rabin inaan hada magacaabo, waxaan odhan lahaa
wax khayr leh ku badela xumaanta aad ka shaqeysaan.
maalmahan waxaa wax laga xumaado ah ,in ay xayn isku sheegta inay yihiin qurba-jooga reer hebel ay baaqyo runtii aan loo baahneyn soo gudbiya
baaqyadaas oo haddii loo fiirsado ah shaqsiyaad, walaalayaal ka shaqeeya waxaad wadankiina u qaban lahaydeen , kana fogaada isku dirka iyo qabyaalada
qaawan, fadlan caqligu ha shaqeeyo hana noqonina beelo gubayaal.
waa mahadsan tihiin
keyse kahin
canada
1 comment:
WAXAAN DHAMAAN IDINKU SLAAMYAA SALAANTA ISLAAMKA OO AH IYADU TAN,UGU MUDAN
SALAAN KA,DIB WAXA AAN JECLAHY IN AAN,MAAMULKA,KA, CODSADO IN ARAGTIDA KU, SALYSAN QABIIL IN AY HORE UGA MARAAN SI, DHALINYARADA KA, NADIIFTA,AH JACAYLKA QABIILKU UGU SOO HIRTAAN UGUNA NOQOTAAN MEEL CAQLIGAA FIICANI KU,BADBAADO, WAAYO HADII ARDAY XANUUN QABA UU LA, FADHIISTO ARDAY CAAFIMAAD QABA WAXAA LAMA HURAANA IN ARDAYGII CAAFIMAADKA QABAY UU QAADO XANUUNKII UU ARDAYGA, KALE QABY SIDAA DARAADEED TIX GALIYA MASKAXDA CAAFIMAADKA, QABTA EE JECEL IN AY DUNIDA WAX KU,SOO KORDHISO WASALAAMU CALYKUM WARX MATULAAH,. XAMSE SIYAAD AW CABDI UK NOTTINGHAM
Post a Comment