La Siyey Komishinka Doorashoy
Hargeysa - xisaabiyihii Guud ee Qaranka Md. Ibraahim Aadan Qaalib,
ayaa si lama filaana shalay xilkii looga qaaday. Lama oga dhab ahaan
sababta keenatay xiligan xil-ka-qaadist Xisaabiyaha Guud.
Haseyeeshee, sida ay Wargeyska "Yool" u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon
yahay xilka qaadista ma'suulkan ayaa ka dhalatay muran ka dhashay
Lacaga xadigeedu aad u badan yahay oo Madaxweyne Siilaanyo u qoray in
la siiyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Lacagtaasoo markii uu
Xisaabiyuhu fahmi waayey uu codsaday in loo soo cadeeyo sifaheeda,
balse ay raintaasi ku adkaatay Madaxtooyada. Waxa kaloo, ilahaasi
tibaaxeen in Madaxweyne Siilaanyo u jada masuulkaasi baneeyey uu si ku
meel-gaadh ah ugu sii magacaabay Md. Maxamed Cabdi Bede, oo isagu hore
u ahaa Xisaabiyaha Madaxtooyada iyo ahay'adha Qaranka, waxa wararku
intaa ku darayaan in masuulkan xilka laga qaaday ay hadda ka hore
arintan oo kale isku maan-dhaafeen Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo
Cheif-of-Cabinet-ka Madaxtooyadu, kadib markii uu isagan iska
hortaagay Lacag sidan oo kale uu Masuulkaasi u doonayayey inuu ula
baxo.
Md. Ibraahin Adan Qaalin oo ah shaqsi ku ad-adag sharciga, isla
markaana ay ooryo Walaal yihiin Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Saylici,
ayaa la saadaalin karin waxa ka dhalan kara erigiisa, iyadoo geesta
kale-na uu jirey saluug iyo tabasho Beelaha Gobolka Awdal ka
tirsanayeen Xukuumada cusub, kaasoo ku saabsan qaabka saami-qaybsiga
Xukuumada laga siiyey oo ay qawadayeen
No comments:
Post a Comment