10 January, 2011

Madaxweyne Siilaanyo Oo Go’aamo Culus Ka Soo Saaray Shaqaaqaddii Kalshaalle

Madaxweyne Siilaanyo Oo Go'aamo Culus Ka Soo Saaray Shaqaaqaddii Kalshaalle

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta go'aamo ka soo saaray shaqaaqadii ka
dhacday deegaanka Kalshaalle ee u dhaxaysay beelaha Qori-lugud iyo
Buuhoodle.

Madaxweynuhu wuxuu ku sheegay afar qodob oo uu soo saaray in
deegaanka kalshaalle ee shaqaaqadu ka dhacday ay tahay laga bilaabo
maanta fadhiisin ciidanka qaranku leeyahay.Waxaanu tilmaamay wixii
hanti ka gashay beelahaasi ay xukuumaddu u celin karto.

Sidaasi waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Chief
of Cabinet-ka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,waxaanu
qoraalkaasi oo dhamaystirani u dhignaa sidan:-

"Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu
maanta Go'aanka ka soo saaray Arrintii Kalshaale ka dhacday, waxaanu
Madaxweynuhu Go'aankaa ku yidhi. Arrinta Kalshaale ka dhacday waa
arrin laba beelood oo Somaliland ah u dhaxaysay, Dilalka ka dhacayna
aad iyo aad ayaan uga xumahay dadkii ku dhintayna illaahay naxariistii
janno ayaan uga baryayaa, Eheladoodii iyo dhamaan Qaranka Somaliland
waan uga tacsiyadaynayaa. Markii arrintani dhacday Dawlad-ahaan
waxaanu qaadnay talaabadii ku haboonayd, isla markiiba waxaanu kala
dhexdhignay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka JSL si ay u kala
caabiyaan Malayshiyaadka labada beelood nabadana u sugaan, isla
markiiba waxaanu u diray guddi dhexdhexaadineed oo ka kooban
Xukuumadda, Golayaasha, Xisbiyada, Madaxdhaqmeedyo, iyo Culima-awdiin.

Anigoo tixraacaya xukunkii ay soo saareen guddigii dhexdhexaadka ahaa
ee ka garsooray arrintan. Anigoo maanka ku haya ahmiyaddda
nabadgelyadu Qarankan u leedahay iyo jidkii dheeraa ee loosoo maray.
Anigoo fulinaya Masuuliyadayda iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee I
saaran waxaan go'aamiyay: -

1. In Goobaha shaqaaqadu ka dhacday iyo deegaanka lagu muransanyahay
in maanta laga bilaabo ay ahaato fadhiisin ciidanka Qaranku leeyahay
oo ka caagan dhisme iyo qodaal balse ay labada beelood wada daaqi
karaan, wixii hanti ka gashay labada dhinacna dawlada ayaa u celinaysa
cidii lahayd.

2. Dhimashadii, Dhaawicii iyo Hantidii ku luntay shaqaaqadii
dhexmartay labada beelood waxaa dawladu u raacayaa una fulinayaa sidii
ay ku xukuntay guddigii garsoorka ahayd.

3. Waxaan labada dhinacba farayaa inay kala baxaan ciidamadooda
Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane iyadoo aan laga ogolaan doonin
ciidamo beeleed abaabulan, waxaa kaliya oo ka hawlgeli kara ciidamada
Qaranka JSL.

4. Waxaan mar labaad baaq iyo Gogol nabadeed u soo jeedinayaa beelaha
Buuhoodle, Sool iyo Sanaag Bari. Waxaan mahad ballaadhan usoo
jeedinayaa: – a) Ciidamada Qaranka dadaalkii iyo dhabar adaygii ay
sameeyeen,

b) Guddigii dhexdhexaadka ahaa oo si hufnaan iyo cadaalad leh uga
garqaaday mashaqadii dhexmartay labada beelood, c) Xubnihii dawlada
iyo xisbiyada ee halkaa sida fiican uga soo shaqeeyay."

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

No comments: