19 December, 2010

Xukuumadda Somaliland Oo Sadex Qodob Ka Dalbatay IGAD

Xukuumadda Somaliland Oo Sadex Qodob Ka Dalbatay IGAD

Hargaysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland
Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay
saddex qodob oo muhiim ah ka dalbatay urur goboleedka IGAD. Kadib
markii todobaadkii hore uu dalka booqasho rasmi ah ku yimi xoghayaha
fulinta ee urur goboleedka IGAD Mudane Maxbuub Macalin iyo wefti u u
hogaaminayay oo 4 xubnood ka koobnaa.Wasiirku oo xalay khadka
telefoonka ugu waramayay Shabakada Somaliland.org waxa uu sheegay in
booqashadii xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD ku yimi
Somaliland ay fursad wanaagsan u ahayd siyaasadda dibada ee
Somaliland, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxaan
uga mahad celinaynaa weftigii Maxbuub Macalin Xoghayaga fulinta urur
goboleedka IGAD booqashaddii rasmiga ahayd ee muddada saddexda cisho
ah uu ku joogay Somaliland oo uu dersay hanaanka dimuquraadiyadda,
dawladnimada iyo horumarka Somaliland ka gaadhay dhinacyada adeegyada
bulshada. Weftiga Xoghayuhu waxa uu ahmiyad wayn ugu fadhiyaa
Somaliland, waxaanu warbixin la xidhiidha Somaliland u gudbin doonaa
todobada dal ee ku bahoobay ururka IGAD."

Mudane Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu sheegay in weftigii
xoghayaha fulinta IGAD uu booqday magaalada Sheekh, halkaas oo uu soo
kormeeray Machad goboleedka culuumta caafimaadka xoolaha, halkaas oo
uu urur goboleedka IGAD la wareegi doono dhaqaalaha iyo maamulka
Machadkaasi oo ay wax ku bartaan ardayda ka socda wadamo ku yaala
mandaqada geeska Africa.

Wasiirka oo aanu waydiinay waxyaabaha ugu wayn ee Somaliland ka
dalbatay urur Goboleedka IGAD waxa uu yidhi "Waxyaabaha aanu ka
dalbanay weftigan ee aanu doonayno in urur goboleedka IGAD wax kala
qabto Somaliland, waxa ugu muhiimsan saddex qodob oo kala ah;

In urur goboleedka IGAD ay ku soo casuumaan Somaliland shirarka
todobada dal ee ku bahoobay ururkaas, si aanu shirarkooda uga muujinno
fikirka Somaliland ee la xidhiidha dhinacyada nabad gelyada,
dimuquraadiyadda iyo dhinacyada horumarinta iyo iskaashiga wadamada
Mandaqadda.

In dalalka iyo urur goboleedka IGAD ay Somaliland ka taageeraan sidii
ay noqon lahayd dal siddeedaad oo xubin ka ah ururkan, isla markaana
ay xubin buuxda uga noqon lahayd qaramadda Midoobay iyo Midawga
Africa.

In mashaariicda iyo mucaawinooyinka ay dalalkaasi helaan in qayb laga
siiyo Somaliland."


Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay sii wadayso siina xoojinayso
iskaashiga ay la leedahay dalalka jaarka ah ee ku jira Urur goboleedka
IGAD.

Weriye Cumar Maxamed FaaraxSomaliland.Org

cumarmfaarax@hotmail.com

No comments: