04 December, 2010

Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi oo xaalad Caafimaad loogu qaaday dalka Jabuuti

Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi oo xaalad Caafimaad loogu qaaday dalka Jabuuti
Written by Waaheen   

Hargeysa-Eng: Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa Caawa loo qaaday Cisbitaal ku yaala Dalka Jabuuti kadib markii uu muddo laba cisho ah Cisbitaalka Adna u jiifay xaalad Caafimaad oo Nasasho ah hase yeeshee ilaa hada lama oga waxa kalifay qaaditaankiisa.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr: Axmed Xaashi Oday oo aan Telefoonka kula xidhiidhay isagoo u sii jeeda dhinaca Madaarka oo Diyaarad Khaas ah laga saarayay wasiirka Maaliyada ayaa noo sheegay in Xaalada wasiirku fiican tahay isla markaana loo qaadayo Jabuuti " waanagaa imika qaadnay waxaanan ku sii jeednaa dhinaca Madaarka oo aanu ka saarayno Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airline oo geyn doonta Dalka Jabuuti si loogu soo daweeyo."ayuuyidhi Wasiirku.
wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi waxa si kadis ah loogu soo booday Habeen hore, waxaana shalay la dhigay Cisbitaalka Adne Maternity Hospital halkaas oo lagu Nasinayay, ilaa hadana Xukuumaddu wax War ah kamay soo saarin Xaaladiisa Caafimaad, hase yeeshee mar aanu shalay ku booqanay Cisbitaalka waxa naloo sheegay inuu Ladan yahay balse aan la booqan karin, taasoo ay Klakaaliyayaasha Caafimaadku ku sheegeen xaalad Nasasho.

Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ah Wasiirka kaliya ee ugu Miisaanka roon Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ee talada haysa mudada Afarta bilood ah, tan iyo intii ay xilka la wareegtayna Hawsha ugu culus ee Hortaalaa waxay tahay sidii ay uga soo kaban lahayd dhinaca Dhaqaalaha oo ay kula wareegeen Malaayiin Deymo ah, waxaanu Wasiirka Maaliyadu Afartaa biloodba Guntiga Dhiisha iskaga dhigayay sidii uu u Abuuri lahaa dhaqaale, taasoo loo aanaynayo Culayska ugu badan ee la soo deristay xaaladiisa Caafimaad inay tahay hawshaas

Source Waaheen

No comments: