11 December, 2010

Wasiirka Duulista Hawada oo Qirtay in uu sii daayey Nin Ajanabi ah oo Macdan Dalka kala Dhoofay

Wasiirka Duulista Hawada oo Qirtay in uu sii daayey Nin Ajanabi ah oo Macdan Dalka kala Dhoofay

 

“Markii la ii soo sheegay in ninku yahay masuul UNDP ka mida, go’aankaa anigaa Gaadhay, hadii uu sax yahay iyo hadii uu khalad yahayba” Wasiirka Duulista

Hargeysa, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gadiidka Cirka Somaliland Md: Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa qirtay inuu sii daayay nin Ajanabi ah oo ka mid ah shaqalaha hay’ada UNDP oo sida la sheegay dalka kala dhoofay dhagaxaan macdan ah oo ay Hadyad ahaan ay u siiyeen dad Reer Somaliland ah ,kaas oo ay qabteen shaqaalaha Madaarka hargaysi isaga oo la dhoofaya macdaantaasi.

waxaanu wasiirku sheegay in markii ninkan la qabtay ay la soo xidhiidheen Maamulka Airport-ku una sheegeen in nin Ajanabi ah oo sita dhagaxaan macdan ah lagu qabtay Madaarka, isla markaana uu ku xidhan yahay Airport-ka, ka dib markii uu baadhay arintaasna uu ogaaday in ninkani ka mid yahay shaqaalaha Hay’ada UNDP go’aana uu ku gaadhay in la sii daayo oo aan la xidhin, isagoo wasiirku sheegay in macdantan uu ninku sitay Hadyad loo siiyey ee aan laga iibin.

Sidaana waxa uu wasiirku ka sheegay shir-jaraa’id oo ay isaga iyo wasiirada Arimaha Gudaha iyo warfaafintu Ku qabteen Xarunta wasaaradda Arimaha Gudaha oo su’aal arintaasi la xidhiidha lagu waydiiyey, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “ninkaasi nin masuula oo Qaramada Midoobay ka socday ayuu ahaa, markaa maamulka Airport-ayaa ii sheegay in lagu haysto qaybta baadhista ee madaarka oo ka helay dhagxaan aan badnayn oo midhadh ah, dhagxaantuna sidoodaba waxa la baadho ayey ka mid yihiin, oo waa in qofka sitaa u haystaa Liisan ama Ogalaansho kale, markaa hadii ay noqdeen laba dhagax iyo wax la mida, nin masuula ayuu noqday oo sidaa ayaan ku sii daayey, Go’aankaana dawlad kale ilamay gaadhin ee anigaa kaligay gaadhay, wixii ka yimaadana anigaa iska leh, si siyaasiyan ah baanan u qiimeeyey, markii la ii soo sheegay in ninkiina noqday nin masuuliyiinta UNDP ka mida, dhagaxaantiina uu yidhi waxaa la ii siiyey Hadyad laba dhagax oo yar-yarna ay yihiin, go’aankaa anigaa Gaadhay, hadii uu sax yahay iyo hadii uu khalad yahayba.” ayuu yidhi wasiirku waxaanu ku dooday in uu u arko Go’aankiisu inuu sax yahay oo aanay waxba ku dhex Jirin.

Waaheen

 

No comments: