05 December, 2010

Mooshinkii Wax ka Bedelka Xeer Hoosaadka Wakiilada oo Dib Loo Dhigay

Mooshinkii Wax ka Bedelka Xeer Hoosaadka Wakiilada oo Dib Loo Dhigay

Hargeysa (Somaliland.Org)-Mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Wakiilada ee todobaadkii hore ay Golaha horkeeneen Koox Mudaneyaal ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ayaa dib loo dhigay ka dib markii Mudaneyaashii mooshinkaasi watay ay dalbadeen in dib loogu dhigo.

 Mudaneyaashii mooshinkaasi watay ayaa intoodii badnayd ay saaka jareen inay ka soo xaadiraan fadhiga  waxaanay gaaf wareegayeen hudheelada ku dhow hoolka fadhiyada goluhu ku qabsoomaan ee Arrimaha Gudaha.

 X. Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo goob joog ka ahaa fadhigaasi oo kalmad la siiyay  ayaa mudaneyaasha u soo jeediyay inay ka fogaadaan wixii midnimadooda wax u dhimaya isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi "Waxaanu idiinku ducaynaynaa is afgarad iyo khaatimo ILAAHAY adduunka iyo aakhiraba ha ina siiyo.Walalayaal isku noqda oo dhexdiina ka heshiiya yaynaan sida koonfureed (Soomaaliya) isku dhicin oo sidooda aynu  foodka qarino iyo aynu gacanta taagno ayay ku kala tageen. Inigu laba tallaabo oo wanaagsan ayaynu qaadnay midi tii siniinka ayay ahayd ee muddo kordhinta iyo tii mushahar kordhinta  lacagta labadiiba odayga (Madaxweynaha)  ayay horyaalaan wali ma saxna. Mid sadexaad yaynaan ku darin. Si wanaagsan oo kal gacal leh iskugu noda. Waxaan idiinku ducaynayaa  intifaaq iyo idinka oo mid ah inaad soo fadhiisataan, oo tallo iskugu noqotaan."

 Ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golahaasi Md. C/Casiis Maxamed Samaalle oo ka hadlay furitaankii fadhigaasi wuxuu yidhi "Mudaneyaal waxa maanta (Shalay) waxa loo balansanaa mooshin ay  Xildhibaano Golaha Wakiilada ka tirsani soo gudbiyeen oo laga aqbalay  loona gudbiyay la Taliyaha sharciga  si uu u eego  waafaqsanaanta xeerarka Golaha u yaalla, balanku maanta (shalay) ayay  natiijada ka soo noqotay iyo la Taliyaha sharcigu wuxuu ka odhanayo arrintaasi. Waxa xalay illaa imika na soo gaadhaya warar ka imanaya  Xildhibaanadii mooshinka soo gudbiyay badhkood oo ay codsanayaan in  fadhiga iyo mooshinkoodaba dib loogu dhigo."

Mudane Maxamuud X. Jaamac Cilmi (Dable) oo ka mid ahaa Mudaneyaashii mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha wax ka saxeexay waxaanu yidhi "Siddii ay balantu ahayd waxay ahayd inaynu dhamayno mooshinkii loo gudbiyay la taliyaha sharciga. Anagu haddii aanu nahay qoladii soo gudbisay mooshinkaasi, waxa nagula jiray Mudaneyaal badan oo halkan (fadhiga) fadhiya oo been noo sheegay. Diyaar baanu u nahay wixii wax ku hagaagayaan. Sidii Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenkuba  iyo idinkuba  aad tidhaahdeen arrinka aad dib u dhigno. Sidii ayaanu qaadanay. Waxaanu idiinka codsanaynaa shirgudoon in arrinka oo aynu soo dhamaystirano oo inagoo is fahamsan aynu isku nimaadno."

Waxa xidhitaankii fadhigaasi ka hadlay Md. Cabdi  Casiis Maxamed Samaale oo ka hadlay fadhigaasi  wuxuu  sheegay inay Xildhibanaadaasi ka aqbaleen in dib loo dhigo mooshinkaasi wuxuu yidhin "Xildhibaanada Golaha  fadhiyaa aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin, Xildhibaanada mooshinka soo gudbiyay ee codsaday in dib loogu dhigaana way mahadsan yihiin inkasta oo ay sharaftoodu ahayd inm iyagoo isku dhan ay  fadhiga yimaadaan oo sida uu Maxamuud Dable u yidhi ay Golaha ka sheegaan, oo hadda laga shakiyi karo Maxamuud ma kaligiibaa mise waa lala qabaa, Maxamuudna wuxuu  sheegay inay la qabaan.dib ayaanu u dhignay."

Somaliland.org/Hargaysa

No comments: