Maxkamada Ciidamada Oo Ka Hadashay Kiis Ay Gacanta Ku Hayaan
Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Maxkamadda ciidammadda Qaranka ee darajada koowaad ee gobolada galbeedka dalka Yuusuf Faarax Sharma'arke ayaa ka hadlay dacwad ay maxkamadu gacanta ku hayso oo aanay wali ku dhawaaqin oo qaar ka mid ah saxaafaddu baahiyeen in xukun laga gaadhay.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyuhu wuxuu u dhignaa sidan:- "Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qaranka ee darajada koowaad markuu arkay Jariirada WAAHEEN cadadkeeddii 452 ee soo baxay 06/12/2010 ee soo baxay Isniintii maanta Maqaal ku dhex jiray Bogga hore iyo gudaha bogga labaad.
Wuxuu si cad u beeninayaa Maqaal ay Jariiraddu ku sheegtay in Maxkamaddu naf iyo maalba ku xukuntay Askari CQ.Maxamed Jaamac Cismaan, oo ku eedaysan shil baabuur oo ka dhacay Gobolka Gabilay, mar uu ka mid ahaa Ciidan hawl gal u socday.
Haddaba, Guddoomiyaha Maxkamaddu wuxuu la socodsiinayaa warbaahinta, dadweynahana u sheegayaa in dacwadaasi wali ka socoto Maxkamada darajada koowaad ee Ciidammadda ee Goboladda galbeedka aanay wali maxkamaddu go'aan ka gaadhin.
Haddaba, waxa haboonayd inay jariiraddu haddii ay arrintaasi wax uga baahan tahay ay la soo xidhiidho Maxkamaddan, waase wax laga xishoodo been abuurka noocaasi ahi.
Waxaan diyaar u nahay in Maxkamaddu Jariiradda WAAHEEN aanu ku marti qaadi doono maalinta ay maxkamaddu ku dhawaaqayso dacwadaasi."
Somaliland.Org
Hargeysa

No comments:
Post a Comment