17 December, 2010

KULMIYE Oo Sheegtay Inaanu Xil ka Haynin Xisbiga Nin Adeegsaday Magacoodda

KULMIYE Oo Sheegtay Inaanu Xil ka Haynin Xisbiga Nin Adeegsaday Magacoodda


"Waxaanu codsanaynaa saxaafadda iyo Xeer Ilaalinta dalka inaan xilka
iyo magaca Xisbiga Kulmiye aan la sheegan Karin"

Hargeysa - Xoghayaha Guud ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md.
Keyse Xasan Cigge, ayaa maanta jawaab ka bixiyay qoraalo uu soo saaray
Guddoomiye Ku Xigeenkii Guddidii warbaahinta xisbigaasi ee xiligii
olalaha doorashadii madaxtooyada Maxamed Jaamac Axmed, oo si joogto ah
dhaliilo kala duwan warbaahinta u mariya xukuumadda Madaxweyne
Siilaanyo, oo uu ku eedeeyay wax qabad la'aan iyo inay ku fashilantay
qeybo ka mid ah balan qaadkii KULMIYE ku shaaciyay buug yarihii
barnaamij siyaasadeedkiisii.

Xoghayaha Guud wuxuu sheegay in qoraaladaasi aanay ahayn kuwo ka
turjumaya xisbiga KULMIYE hase yeeshee ay tahay fikirka shakhsiga ah
ee ninkaasi aaminsan yahay.

Md. Keyse Xasan Cigge wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu maanta soo
saaray oo nuqul ka mid ahna uu u diray Xeer Ilaaliyaha guud ee
qaranka. Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- "Waxaanu la
socodsiinaynaa dhammaan warbaahinta dawliga iyo kuwa madaxa bannaan
labadaba in qoraalada waayadan dambe kusoo noqnoqonaya warabaahinta
dalka ee uu ku saxeexan yahay Enj. Maxamad Jaamac Axmed kuna
faaqidayo xukuumada hadda talada haysa ay yihiin kuwo isaga u gaara
ee aanay aheyn kuwo kasoo baxay ama uu ogyahay Hoggaanka Xisbiga
Kulmiye.

Waxaa dhacday marar fara badan inuu saxeexa qoraha maqaaladdaasi uu
wato magac xileed oo ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Warfaafinta ee
Xisbiga Kulmiye , hase yeeshee wuxuu xilkaasi ku ekaa maalintii
guusha doorashada madaxtooyada la helay oo aheyd 26-kii June 2010,
isagoo Enj. Maxamad Jaamac Axmed ka mid ahaa guddi shan (5) xubnood
ka kooban oo Xisbigu u magacaabay inay ka shaqeeyaan wacyigelinta
ololaha doorashada Madaxtooyada.

Enj. Maxamad Jaamac Axmad wuxuu ka mida ahaa xubnihii Ururka Qaran ee
ku soo biiray Xisbiga Kulmiye ka dib markii ay heshiiska wada galeen
Xisbiga Kulmiye iyo Madaxda Ururka Qaran. Waxaanu Enj. Maxamad Jaamac
hore ula socdsiinay inaanu sheeganin magaca xilkii uu hore ugu
hayey Xisbiga Kulmiye, haseyeeshee uu xor u yahay inuu fikirkiisa
dhiibto isagoo madax bannaan oo aan huwanayn magaca Xisbiga Kulmiye.

Waxaanu si xushmad iyo qarin leh uga codsanaynaa dhammaan saxaafadda
dawliga ah iyo kuwa madaxa bannaan iyo waliba Xeer Ilaalinta dalka
inaan xilka iyo magaca Xisbiga Kulmiye aan la sheegan Karin iyadoo
aanu ogeyn kana warqabin Hogaanka Xisbigu."

No comments: