01 December, 2010

Koox Mudaneyaal Ah Oo Wakiilada Horgeeyay Mooshin Halis Ku Ah Qaranimada Somaliland

Koox Mudaneyaal Ah Oo Wakiilada Horgeeyay Mooshin Halis Ku Ah Qaranimada Somaliland

Hargeysa -Mudanayaal ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ku hawlan mooshino ka dhan ah qaranimada Somaliland, isla markaana lagu doonayo in lagu dabro xukuumadda Cusub. Mooshinadan oo ay u midoobeen mudanayaal kala afkaar duwanaa, ayaa lagu doonayaa in xilka lagaga tuuro saddexda xubnood ee shirgudoonka golaha wakiilada. Mudanayaashii soo agaasimay mooshinkii ay mushaharka ku korodhsadeen horaantii toddobaadkan, ayaa haddana shalay golaha wakiilada horgeeyay mooshin ay ku dalbadeen in wax lagaga bedelo xeer hoosaadka golahaasi, si ay ugu fududaato isku day ay muddo ku taamayeen oo xilka lagaga qaadayo guddoomiyaha wakiillada iyo labadiisa ku xigeen.
Mooshinkan waxaa soo abaabulay koox xildhibaano ah oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Axmed Ibraahim Daahir (Axmed weyne), Khadar Aada Xuseen (Ambassador), Aadan Tarabi Oogle, Xamse Maxamed Gaade-weyne, Saleebaan Cawad Bukhaari, Bashiir Tukaale, Cali Maxamed Aadan (Cali Barre) iyo Maxamed Cali Xirsi. Xildhibaanada mooshinkan wata ayaa doonaya in ay shir guddoon cusub u doortaan xubno ay ka mid yihiin Siciid Cilmi Rooble, Khadar Aadan Xuseen iyo Xamse Gaada-weyne. Xildhibaanada ayaa la sheegay in dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed ee golaha wakiilada dhexdiisa ay ka dambeeyaan rag siyaasiyiin ah oo ka soo kala jeeda saxeda xisbi qaran, kuwaas oo sida la sheegay ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ee laga reebay dawladii uu soo dhisay madaxweynaha Somaliland.
Fadhigii shalay ee golaha wakiilada oo buuq iyo sawaxan ka dhashay Mooshinkani ay sababtay in Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ahna Ku simaha Guddoomiyaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax uu ka baxo fadhiga ka hor intii aanu furin, hase yeeshee daqiiqado ka dib ay soo maslaxeen Xildhibaano ka tirsan Golahaasi kuwaasi oo u soo geliyay gudaha hoolka arrimaha gudaha oo fadhiyada goluhu ku qabsoomaan.
Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari oo Guddoomiyaha u dhiibay mooshinkan markii fadhigu furmay wuxuu yidhi “Guddoomiye, mooshinkan adigoo naga raali ah nidaamkii caadiga ahaa ayaanu marinaynaa ee naga qabo.”
Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Baashe Maxamed Faarax oo guddoominayay fadhigan ayaa sheegay in mooshinkan loo gudbin doono guddida Joogtada ah oo xeer hoosaadka Aqalkaasi dhigayo inay soo darsaan, waxaanu yidhi “Mooshinkani wuxuu marayaa dariiqii uu mari jiray, waxaana loo gudbinaynaya Guddida joogtada ah waana inoo maalinta Axadda.”
Md. Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah 32-kii Mudane ee Mooshinkan soo gudbiyay ayaa sharaxaad ka bixiyay nuxurka Mooshinkan waxaanu yidhi “Mooshinkani ma aha mid lagu ridayo shirgudoonka ee waa mid aanu ku furayno xeer Hoosaadkayaga oo wax badani ka khaldanaayeen. Markii aanu mucaaridka ahayna waxaanu samaynay xeer hoosaad yar oo kooban oo kuraasida ku xejinaya shirgudoonkayaga. Arrintii ILAAHAY wuu nagu guuleeyay oo waa kii Daahir Rayaale sida wanaagsan u wareejiyay ee iska tagay. Madaxweyne Ruug Caddaa ah ayaa ILAAHAY meesha keenay oo aan Golaha faro-gelin ku haynin. Dabadeeto waxaanu xor u noqonay inaanu Golahayagii ka shaqeyno. Mudadaas yar ee noo hadhayna aanu wax micno leh ka tagno. Sidaas weeye ujeedada mooshinkayagu.”
Sidoo kale, Md. Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, isna ka mid ah Xildhibaanadii Mooshinkan wax ka saxeexay oo ka hadlay mooshinkan waxaanu yidhi “Aad baanu u soo dhawaynaynaa Mooshinkan shirgudoonkuna yaanu ka sasin, muwaadiniin weeye oo xaq bay u leeyihiin in la bedeli karo. Xuquuqda isiin karta inaan shirgudoon doorto ma aha mid iga qaadi karta inaan shirgudoon dooran kari waayo, xataa haddii Hoggaamintooda lagu qanacsan yahay way soo tartami karaan mar labaad.”
Mudaneyaasha Mooshinkan saxeexay ayaa markii fadhiga laga xaadiriyay ay noqdeen 27 Mudane, kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin sidan:-
1)-Aadan Tarabi Oogle
2)- Siciid Cilmi Rooble
3)- Maxamuud Jaamac Cilmi (Dable).
4)- C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde
5)-Cali Yuusuf Axmed
6)-Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne)
7)- Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle
8)- Baar Siciid Faarax
9)- Axmed Ducaale Bulaale
10)- Maxamed Cali Xirsi
11)-Ibraahim Caraalle Cabdi
12)-Xuseen Ismaaciil X. Yuusuf
13)-Mahdi Sugaal
14)-Maxamuud Dhunkaal Tukaale
15)- Ibraahim Axmed Raygal
16)-Saleebaan Cawad Bukhaari
17)-Cali Maxamed Aadan
18) Muuse Maxamed Hoos u jeed
19)-Maxamed Saalax Cigge
20)- Cali Sh. Ibraahim Aareeye
21)- Xamse Maxamed Gaada-weyne
22)- C/Kariim Aw Cali Shabeel
23)- Axmed Xasan Aadan (Wayso-cadde)
24)-Aadan X. Diiriye Dirir
25)- C/Qaadir Askar Xasan
26)- Maxamed Baaruud Shidde
27)- Axmed Barkhad Obsiiye
Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada ayaa dhigayay in shirgudoonka Golaha lagu bedeli karo 55 Mudane, waxaana Mudaneyaashan mooshinkan wataa ay doonayaan inay ka dhigaan cod hal dheeri ah in xilka lagaga xayuubin karo shirgudoonka.
Mooshinkani wuxuu ku soo beegay xili ay socdaal dibadeed ku maqan Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Md, C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) iyo Guddoomiye Ku Xigeenkiisii koowaad Md. C/Casiis Maxamed Samaalle.
Mooshinkan lagu ridayo shirgudoonka golaha wakiiladu waxa uu ku soo beegmay xili gudoomiyaha golaha wakiiladu mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha walkiiladu mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ay dalka kaga maqan yihiin socdaalo shaqo oo ah oo ay ku marayaan wadamo ka tirsan qaarada yurub oo ay ka mid yihiin Jarmalka Faransiiska, Belgimka iyo Usteria, kuwaasoo ay madaxdooda iyo baarlamanadooda kala hadlayaan sidii ay Somaliland gacan uga siin lahaayeen qadiyada dhinaca aqoonsiga iyo kor u qaadida xidhiidhka ay caalamka intiisa kale la wadaagto, arimahaas oo la sheegay in wax yaabo faro badani uga qabsoomeen isla markaana ay ku guulaysteen in ay khudbado arimahaas ku wajan ka jeediyeen qaar ka mid ah baarlamaanada wadamaas, kuwaas oo sida wararku sheegayaan garwaaqsaday waxyaabo faro badan oo ka mid ahaa arimihii ay shirgudoonka Somaliland kala hadleen, gaar ahaana waxa la sheegay in ay weftiga u xaqiiyeen in dawladahaas iyo baarlamanadooduba ay Somaliland iyo baarlamankeedaba gacan muuqata ka siin doonaan arimaha horumarinta, maamul wanaaga iyo kor u qaadida aqoonta mudaneyaasha baarlamanka Somaliland. Taas aawadeedna mooshinka wakhtigan hor yaala golaha wakiilada ee lagu ridayo shirgudoonka golahu waa mid adhaxda ka jebinaya dedaalka weyn ee ay xiligan shirgudoonkii golaha wakiiladu ka wadaan wadamada ayn u soo sheegnay iyo waxyaabihii kala duwanaa wadamadaas iyo baarlamanadooba uga soo hirgalay.
Sidoo kale wuxuu socdaalkani ku soo beegmay xilli uu wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland ay socdaal ku joogaan dalka Ingiriiska, halkaasi oo ay dadaal ugu jiraan qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland.

Dhinaca kale mooshinkani waxa uu soo gaabiyey socdaalkii ay wadamada qaarada yurub qaar ka mid ah ku marayeen gudoomiyaha golaha wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaana la sheegay in uu arintaas darteed dib ugu soo laabtay gudoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Samaale, kaas oo la filayo in uu dalka soo gaadho maalinta sabtida ah ee todobaadka dambe iyadoo gudoomiye Cirrona mudo kooban ka dambayn doono.

Wefdigii Madaxweynaha oo la Kulmaya Hay’ada Deeqaha u Qaabilsan Ingiriiska

London (Somaliland)-Wefdigii madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee socdaalka ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa la sheegay in ay khamiista toddobaadkan ay kulan la yeelan doonaan hay’ada Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka iyo deeqaha caalamiga ah DFID. Sidoo kale wefdiga madaxweynuhu waxay magaalada London hore kulamo ula yeesheen jaaliyadda Somaliland, wasiirka horumarinta Afrika u qaabilsan UK iyo xubno ka mid ah golaha baarlamaanka Ingiriiska.
Madaxweynuhu wuxuu khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyay machadka caalamiga ah ee horumarinta dimoqraadiga ee Chatham House. Warar xogogaal ah oo aanu ka helnay ilo ku dhaw wefdiga madaxweynaha waxay sheegayaan in madaxweynaha ay la soo xidhiidheen qaar ka mid ah masuuliyiinta wadamada Carabta, kuwaasi oo doonaya in ay ku marti qaadaan dalalkooda. Sidoo kale waxa la sheegay in wefdigu ay xidhiidho la soo sameeyeen dawlada Maraykanka oo danaynaysa in ay dalkeeda ku casuunto madaxweynaha Siilaanyo iyo Wefdi uu hogaaminayo.

Khilaaf Sababi Kara Burbur Oo Soo Waajahay UDUB

Is-barbardhiga Dhaqan Siyaasadeedka KULMIYE iyo UDUB
Hargeysa (Somaliland.org)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, ayaa qarka u saaran in uu burburo, ka dib markii khilaaf xoog lahi soo dhex galay xubnaha xisbiga UDUB. Xisbigan oo aan hore u lahayn gole dhex oo si sharci ah loo doortay iyo guddi fulineed, ayaa tan iyo markii xisbigoodu ku guul daraystay doorashada madaxtooyada waxa ka dhex bilaabmay khilaaf iyo awood maroorsi u dhexeeya xubno ka mid ah guddi fulinda fulinta. Guddoomiyaha Siyaasadda xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, ayaa naqdiyay wasiirkii hore ee Maaliyadda Cawil Cali Ducaale oo ugu baaqay in uu aqbalo in hayadaha baadhista hantidu ay su’aalo ka weydiiyaan sidii uu u maamulay dakhligii ummada ee uu gacanta ku hayay xilligii uu ahaa wasiirka Maaliyadda. Sidaasna waxa uu guddoomiyuhu ku sheegay warsaxaafadeed kooban uu soo saaray waxaanu u qoraa sidan:
“Waxa dhaqanka siyaasada ah in marka nin masuul ah lagu eedeeyo inuu musuqmaasuq galo inuu iska casilo xilka uu ummadda u hayo si uu isaga maydho ceebta, una hor-tago hay’adaha baadhitaanka haddaanu waxba lunsan. Waxa jirta inay soo baxayeen in Wasiirkii hore ee Maaliyada lagu tuhunsan yahay inuu lunsaday hanti badan mudadii uu xilka hayey taasoo keentay inaan lagala wareegin deyn fara badan oo faraqa uga buuxday. Hadda oo aanu xil hayn waxa haboon in Cawil hortago hay’adaha baadhitaanka si uu ceebta isaga maydho una xaqiijiyo shacabka inaanu lunsan wax hanti qaran ah.
Ma aha haddii lagu tuhmo inaad qabiil dabada la gasho oo tidhaa reernimo ayaa la igu eryanayaa, waxa haboon inay dhaqan inoo noqoto qof kasta oo lunsada hanti qaran in la hor keeni karo sharciga. Ma lihi Cawil waa danbiile oo lama odhan karo qofna waa danbiile ilaa maxkamadi ku caddayso.
Cawil wuxuu horseed ka ahaa guuldaradii la soo deristay Xisbiga UDUB waqtigii doorashada sida ay noo caddaysay baadhitaan aanu ku samaynay guul daradii xisbiga ee doorashadaii 26 June 2010. Ta kale Cawil wuxuu hadda kor u dhaafay 80 jir waxayna tahay waqtigii uu siyaasada ka bixi lahaa una bannayn lahaa jiilka cusub si ay ula wareegaan siyaasada, isagoo kor u dhaafay waqtigii hawl gabka.
Sida aan dareensan ahay Cawil waxa damac ka hayaa inuu hantiyo hoggaanka sare ee Xisbiga UDUB, waxan filayaa inay ceeb ku tahay Xisbiga inuu safka soo mariyo ragii shalay guul darada u horseeday in loo ogolaado inay hogaanka qabtaan, taas oo muujin karta inaan Xisbigu dan ka lahayn doorasho danbe inuu ku guuleysto. Sidaa darteed Cawilow Ceebta iska maydh oo ogolow hay’adaha sharcigu inay ku baadhaan oo weliba adigu si daacadnimo ku jirto u hortag si aad dadka ugu xaqiijiso inaadan lunsan wax hanti qaran. Waxaan doonayaa inay noqoto dood furan oo qof weliba ka dhiibto ra’yigiisa.”
Sidoo kale, guddoomiye ku xigeen xisbiga UDUB, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shaaca ka qaaday in ay xilkii uu xisbiga Udub ka hayey Guddoomiyihii xisbigaas ee arimaha siyaasada Cumar Jaamac Faarax ay gabi ahaanba ka qaadeen, waxaanu ku dooday in ay hore ugu heshiiyeen xisbi ahaan in cidii afka xisbiga u adeegsata sifo khaldan laga qaado xilka uu u hayo xisbiga Udub, isla markaan gudida anshaxa loo gudbiyo.
Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidoo kale baaq u diray bahwaynta xisbiga mucaaridka ah ee Udub oo uu u sheegay in mustaqbalka dhaw hogaanka xisbiga ay la wareegi doonaan siyaasiyiin cusub oo ka tirsan xisbigooda, waxaanu ugu baaqay in ay iska bixiyaan qaadhaanka xisbiga.
Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay shirjaraa’id ku qabtey Hutel Crown ee magaalada Hargeysa.
Ugu horayna isaga oo ka hadlaya xil ka qaadista Guddoomiyihii siyaasada ee xisbiga Udub, waxa uu yidhi “Ninka maanta ku hadlaya inuu yahay guddoomiye xisbi siyaasi ah, xisbiga afar nin ayaa xisbigu shirwaynihii ku doortay, anagu waxay mudadayadii ku egtahay in aanu golihii dhexana diyaarino, gudidii fulinta oo ku meelgaadh ah ayaanu samayno, golaha dhexe iyo fulintuna waa ku meel gaadh oo ilaa lagu ansixiyo shirwaynaha rasmi ah noqon maayaan.
Taana waxa lagu kala baxayaa ninku sida uu u shaqaysto iyo inuu bixiyo qaadhaankii xisbiga, xisbigana la hawlgallo, markaa haddii nin wax ahaan jiray oo wixii ka tageen maaha inuu sheegto ama afkii xisbiga uu ku hadlo, horta cidii hadashayba anagu maanta (Isniintii) shir aanu lahayn waxaanu ku go’aansanay in cidii hadashay ee ku hadashay afkii xisbiga shaqadii uu xisbiga u hayay laga joojiyo, gudida anshax marintana loo gudbiyo.”
Mar uu la hadlayay bahweynta xisbiga UDUB waxa uu yidhi “Waxaan bahwaynta xisbiga UDUB u sheegayaa, xisbiga UDUB waxa uu ku tallo jiraa mustaqbalka haldoorkiisa haddii ay tahay, golaha dhexe iyo haddii ay tahay gudida fulinba inay noqon doonaan dhiig cusub (Dad cusub), xisbiguna waa inuu noqdaa mid rasmi ah oo qaadhaankiisa dadwaynuhu bixiyaan, markaa anagu waxaanu doonayna haddii qaar is leeyihiin rag-baa meesha ku dhagan, ragan meesha ku ururay waxa laga yaabaa in aanay bari jooginba, laakiin maaha xisbigu haddii uu ka baxay saaxadii hogaaminta dalka in xisbigii laga dhaqaaqo oo uu burburo maaha, waa in xisbigii la gaadhsiiyaa shirwaynaha dambe, si uu u doorto hogaamiyayaal cusub.
Markaa waxaan leeyahay xubnahan jaraa’idka ku yooyootamaya wixii meesha yimaada waa ku meel gaadh, markaa waxaan leeyahay ninkii shaqaysanaya ee doonaya inuu noqdo xisbiyahan rasmi ah ha shaqeeyo hana sugo shirwaynaha dambe.”
Si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo yeedhay madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waxa uu daba socdaa war qoraal ah oo uu habeen hore saxaafada ku qoray guddoomiye ku xigeenka xisbiga Udub Cumar Jaamac Faarax, kaas oo ku duray wasiirkii hore ee maaliyada isla markaana ku eedeeyey in uu xisbiga la hadhay, uguna soo jeediyey in uu hortago hay’adaha sharciga.

Dhinaca kale, xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa Isniintii shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda dhaliilo u soo jeediyeen tallaabooyin ay qaaday xukuumadda cusub ee madaxweyne Siilaanyo.
Guddoomiye ku xigeenka labaad C/raxmaan C/qaadir Faarax, guddoomiye ku xigeenka saddexaad C/ramaan Maxamed Talyanle, xoghayaha guud Kayse Xasan Cige, guddoomiyaha garabka haweenka Canab Cumar Ileeye.
Masuuliyiintan waxa ay sheegeen in dalka ay ka dhaceen xad gudubyo baahsan iyo hadalo is burinaya oo ka soo yeedheeyey masuuliyiinta qaranka hogaamiya, mudadii gaabnayd ee ay xukumada cusubi jirtay. Arimahaas oo ay ku sheegeen in ay ku soo beegmeen wakhti la filayey in xukumada cusubi la timaado wax qab muuqda oo ku salaysan siyaasad cad ee ay tahay in qaranka lagu hogaamiyo, iyadoo la fulinayo ballanqaadkii uu Xisbiga KULMIYE galay wakhtigii lagu jiray ololaha doorashadii madaxtooyada.
Masuuliyiintan Xisbiga tallada haya ee KULMIYE waxa ay hoosta ka xariiqeen xad gudubyo ay ka mid yihiin dad jidh dil loo geystay, suxufiyiin xadhig lagula kacay iyo caga juglayn loo geystay iyo hanjabaado ka dhan ah qaar ka mida culimada waa -weyn ee dalka.
Madaxdani waxa ay sheegeen in xisbiga KULMIYE uu si cad uga soo horjeedo xadgudubyada foosha xun ee ay ku kaceen qaar ka mid ah masuuliyiinta xukumada cusub, iyagoo u soo jeediyey Madaxweyne Siilaanyo si deg deg ah raali gelin uga bixiyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha mudadii ay jirtay xukumadiisu.
Sidoo kale masuuliyiintani waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen dadaalada nabad raadinta ee ka socda Gobolka Buuhoodle ee lagu heshiisiinayo labada beelood ee walaal ah ee dhawaan dagaalku ku dhexmaray deegaanka Kal-shaale. Iyagoo rajo fiican ka muujiyey in xal nabadeed oo kama dambays ah lagu soo afjaro colaada labada beelood ee walaalaha ah.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE C/raxmaan C/qaadir Faarax oo ka hadlaya shirkaasina waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Yeelimayno in sharci aan ka Islaamka ahayn lagu qaado dacwada loo haysto ninka Jarmalka ee hablaheena faro xumeeyey, iyadoo cadayntii la hayo dabigaa uu galay, maadaama oo uu ninkani markii hore u sheegtay inuu Muslim yahay.”
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ayaa sheegay in hogaanka xisbigooda ay ka soo horjeedo in la marin habaabiyo ama been loo sheego dadweynihii soo doortay, isagoo arintaas ka hadlay waxa uu yidhi “Annagu hadii aanu nahay hogaanka xisbiga KULMIYE ma doonayno inaanu marin habaabino shacbigii na soo doortay, waana in si daacad ah xukumadu ugu shaqayso.”
Waxa kale oo uu ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax xadhig la sheegay in xukumadu la damacsan tahay Sh Aadan X Maxamuud (Aadan Siiro), kaasoo uu ku tilmaamay inuu xadhig sharci daro ah yahay, isla markaana aan waafaqsanayn shuruucda dalka u taalla. Iyadoo aanay jirin wax dambi ah oo uu sheekhu galay, isagoo arintaas ka hadlay waxa uu yidhi Guddoomiyuhu “Waa meel ka dhac weyn xadhiga la doonayo in lagu xidho Sh. Aadan Siiro, anigu waaban la yaabay markii aan maqlay arintaas Aadan Siiro waa nin aad u taageersan qadiyada gooni isu taaga Somaliland marka loo eego culimada kale.”
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, waxa uu sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan ay arintan uga la xidhiidhayaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Madaxweyne Siillaanyo marka uu dalka ku soo laabto, isagoo arintaas ka hadlayna waxaa uu yidhi “Arintan waxaanu kala xidhiidhaynaa Wasiirka la sheegay inuu amarka bixiyey Sheekha iyo Madaxweynaha marka uu dalka ku soo laabto.” Arinta ayaa ah mid aan hore loogaga baran xisbigii Udub ee ay tallada dalka kala wareegeen,iyadoo taasna ay dad badani u arkaan mid muujinaysa kala duwanaanshaha labada xisbi ee dhinaca bisaylka dimuqraadiyada.

Xigasho: Wargeyska Dawan
dawannews@yahoo.com

 

No comments: