03 December, 2010

Khasnadii Maaliyada ee Wasaaradda Hawlaha GUUD OO Xalay la jabsaday iyo Baadhis

Khasnadii Maaliyada ee Wasaaradda Hawlaha GUUD OO Xalay la jabsaday iyo Baadhis Booliisku ku hayaan
Written by Waaheen   


Hargysa,-Waxa xalay la jabsaday Khasnadii taalay xafiis Wasaaradda Maaliyadu ku leedahay Wasaaradda Hawlaha Guud oo ay yaaleen Lacago Cashuuro ahaa, Buugaagtii Liisanada Baabuurta iyo Qoraalo kale oo muhiim ah, kuwaasoo aanay ilaa hada tiradooda cadaynin wasaaradda Maaliyadu inta ay leeg tahay.

Dhamaan waxa ka gaabsaday Arrintan inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan  Masuuliyiinta kaa duwan ee ku shaqada leh ee Cashuuraha iyo Hantidhawrka oo markaas baadhitaan ku hayay Xafiiska la jabsaday oo aanu booqanay, Hase yeeshee waxa warar aanu ka helnay dhacdadaasi sheegeen in Xafiiska laga qaatay lacag farabadan oo ahayd Cashuuro laga qaaday  gaadiid kala duwan kuwaasoo la isgaadhsiiyay iyo Liisanadii Dirawaliinta iyo Buugaagtii Baabuurta oo ahaa buugaag farabadan.

Sidoo kale waxa warku sheegay inay Ciidamadda Booliisku qab qabteen Shaqaalihii Xafiiskaas iyo wooshmaankii isla markaana Hantidhawrku baadhis ku bilaabeen dhamaan dadkii Xafiiskaas ka shaqaynayay, kuwaasoo laga hubinayo inay ku shaqo leeyihiin iyo inkale.

Source Waaheen

No comments: