12 December, 2010

Booliska Bali-gubadle Oo Xabsiga Dhigay Nin Aabihii Guddin La Dhacay

Booliska Bali-gubadle Oo Xabsiga Dhigay Nin Aabihii Guddin La Dhacay

 

Bali-cabane - Ciidanka Booliiska ee Gobolka Hawd, ayaa shalay hawlgal balaadhan oo ay ka sameeyeen deeganka degmada Bali-cabane waxa ay gacanta ku soo dhigeen nin dhallinyaro ah oo aabihii dhaawacyo culus soo gaadhsiiyay markii uu gudin la dhacay.

 

Ninkan oo la yidhaahdo Axmed Good Siciid wuxuu aabihii gudin kala dhacay madaxa, waxaana la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay culus tahay oo maskaxda socoto.

Ciidanka Booliiska ayaa ninkan ka soo qabtay Tuulo u dhow degmada Bali-cabane oo uu muddo laba cisho ah ku dhuumanayay. Waxaana loo dhaadhiciyay jeelka  magaalada Bali-gubadle.

Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Hawd ayaa soo dhaweeyey talaabadan lagu soo qabtay ninkan, waxaanay ku baaqeen in sharciga la mariyo ninkan.

 

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org /Hargeysa

 

No comments: