25 November, 2010

XAFLADA MADX SIILAANYO EE(Angalo Somaliland Chamber of Commerce).

(London- Hadhwanaagnews) Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xalay ka qayb galay xaflad ballaadhan oo lagu daah furaayay rug Ganacsi oo ay wada yeelan donaan waddanka Ingiriiska iyo Somaliland(Angalo Somaliland Chamber of Commerce). Munaasibadan oo ahayd mid sii heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Ingiriiska kuwaas oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Afrika u qaabilsan xukuumadda Ingiriisa Henry Bellingham, Lord St John oo ah Mudane ka tirsan House Of Commence iyo masuuliyiin ka socday shirkado waaweyn oo ka jira dalka ingiriiska.
maw
 Ka Bilow Midig Marwada Kobaad Ee Somaliland, Marwo Aamina Waris, Madaxweynaha Somliland Axmed Silaanyo,Office Minister for Africa, Henry Bellingham, iyo Ganacsade Maxamed Yuusuf.

Ugu horayn waxa furitaankii xaflada ka hadlay Maxamed Yuusuf Cali oo ah nin ganacsade ah una dhashay Somaliland, isla markaana ah aasaasaha rugtan ganacsi, wuxuun si weyn ugu mahad naqay ka soo qayb galayaasha xaflada. Maxamed Yuusuf ayaa intaas ka dib ku soo dhaweeyay madashii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo goobta laga sugaayay hadalkiisa wuxuuna yidhi "Waxaan halkan ku soo dhaweynayaa Madaxweynahayaga Cusub ee Somaliland Md: Axmed Maxamed  Siilanyo si uu caawa goob joog uga ahaado furitaanka rugtan ganacsi ee ka dhaxayn doonta Ingiriiska iyo Somalailand, taas oo wax badan ka tari doonta arrimaha is kaashi ee dhinaca ganacsiga iyo horu-marka labada waddan". 

Madaxweynaha Somaliland oo isaguna furitaankii xafladda hadal ka jeediyey ayaa sheegay sida uu ugu farxsan yahay ka soo qayb galka munaasibadan wuxuuna yidhi "Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin waxaan idinku soo dhaweynayaa dalkayga oo ah mid qani ah waxaana rajaynayaa in xidhiidhka labadan waddan ee Ingiriiska iyo dalkayga Somaliland sii xogyasto oo halkaas ka sii socdo, isla markaana sherkadaha waa weyn ee waddankan Ingiriisku leeyihiin ay maal gashandonaan Somaliland".

 Ugu danbeyntii ayaa waxaa codbahiyaha lagu soo dhaweeyay Wasiirka Afrika u qaabilsan dawladda Britain Henry Bellingham oo isaguna munaasibadan ka hadlay, wuxuuna  sheegay inay tahay arrin lagu diirsado talaabadan horumarka ah ee dhexmartay labada wadan ee Somaliland iyo Britain, isagoo arrintaas ka hadlaayana wuxuu yidhi Wasiirku "Waxaan aad ugu faraxsanahay xidhiidhkan cusub ee u bilaabmay labada waddan oo dabcan uu ka soo shaqeeyay  Maxamed Yuusuf,  dhammaan shirkadaha Ingiriiska ee kulankan joogaa waa kuwo waaweyn oo wax badan ka tari doona dhinaca maalgashiga Somaliland". Munaasibadan xadhiga lagaga jaraayay carwadan   (Anglo Somaliland Chamber of Commerce) ayaa waxa ka soo qayb galay dad ka badan 100 qof oo isugu jira masuuliyiinta shirkadaha Ingiiriisa iyo kuwo laga leeyahay Somaliand.

Waxaa kulankaas Madaxweynaha ku wehelinaayay Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Waris Shiikh Ismaciil Jirde, waa markii kobaad ee dawladda Ingiriiska oo kamid ah dawladaha ugu waaweyn adduunku ay xidhiidh ganacsi oo sidan oo kale ah lasamaysato waddanka Somalilland, tasoo ah talaabo loo qaaday xagga horumarka, waxayna arrintani waxbdan ka taridoonta sidii sherkadaha waaweyn ee qaniga ah ee uu leeyahay dalkan Ingiriisku u maal gashan lahayeen waddanka Somaliland. Sawiro kale oo quruxbadan lasoco Goordhow.

 uniir Axmed Cigaal 
Hadhwanaagmedia England/Uk.
Email muniir10@gmail.com

No comments: