02 November, 2010

Wasiirka Warfaafinta oo Magacii Wargeyska Maandeeq u Beddelay Dawan oo ah Doox Degankiisa ku Yaala

Wasiirka Warfaafinta oo Magacii Wargeyska Maandeeq u Beddelay Dawan oo ah Doox Degankiisa ku Yaala
Jamhuuriya

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa ku dhawwaaqay shalay inuu magacii hore ka beddelay wargeyska dawladda ee Maandeeq, uguna magac-daray doox ku yaal degaanka uu ka soo jeedo ee la yidhaa Dawan.

Wasiirka warfaafinta, ayaa sida ilo lagu kalsoon yahay Jamhuuriya u xaqiijiyeen arrintan kaga dhawaaqay shir ay Sabtidii toddobaadkan isugu yimaaddeen agaasime-waaxeedyada wasaaradda warfaafinta, isaga oo xusay in wargayska dawladda ee Maandeeq hadda wixii ka dambeeya la odhan doono DAWAN.

Dhinaca kale, Wasiir Geeljire, ayaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta u qaybiyey shalay kaadhadhka aqoonsiyada shaqada, isagoo u qaybiyey shaqaalaha wargeyska uu magaca ka bedelay u qaybiyey kaadhadhka aqoonsiga oo uu ku xardhan yahay Maandeeq, inkasta oo wasiirku sheegay in magacii wargeyska dawladda loo beddelay Dawan, arrintaas oo jahwareer ku riday shaqaalaha ka hawlgala wargeyska uu magaca ka beddelay, isagoo ku wargeliyey in magaca ay isticmaali doonaan uu yahay Dawan, iyada oo la sheegay in beddelaada magaca aannu wasiirku cidna kala tashan.

Waa markii ugu horreysay ee masuul ka tirsan xukuumadda cusub uu beddelo mid ka mid ah magacyada xarumaha warbaahinta dawladda, , iyadoo la sheegay in magaca uu ka bedelay uu ku sababeeyey inay xukuumaddii hore ee madaxweyne Riyaale ay magacaasi si khaldan u isticmaashay.

Jamhuuriya

No comments: