11 November, 2010

Wasaarada Arrimaha Dibada Oo Magacowday Danjireyaasha Dalalka Dibad

Wasaarada Arrimaha Dibada Oo Magacowday Danjireyaasha Dalalka Dibada

Hargeysa - Xukuumada Somaliland ayaa maanta magowday 7 wakiil oo Somaliland u fadhiyi doona dalalka adduunka qaarkood.

War saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar  waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan:-

"Ka dib markii la tixgaliyay baahida qaran ee loo qabo in la kobciyo xidhiidhka ay dawladda Somaliland la leedahay bulshada caalamka, lana qiimeeyay inay daruuri tahay in la dardargaliyo ka midha dhalinta himilada aqoonsiga ee Somaliland, waxaa loo magaacaabay dadka hoos ku qoran inay noqdaan Wakiillada Xukuumadda Somaliland ee wadamada soo socda iyadoo la eegay xirfadooda, waayo aragnimadooda iyo aqoontoodaba.

1.     Aadan Nuux Dhuule                  Wakiilka Somaliland ee Itoobiya

2.     Prof. Maxamed Xirsi Qalinle       Wakiilka Somaliland ee Jabuuti

3.     Maxamed Axmed Nuur             Wakiilka Somaliland ee Kiiniye

4.     Axmed Cumar Sangoore           Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska

5.     Rashiid Nuur Gaaruf                Wakiilka Somaliland ee Maraykanka

6.     Xasan Mawliid Axmed             Wakiilka Somaliland ee Faransiiska

7.     Cali Maxamed Axmed                  Wakiilka Somaliland ee Yemen."

No comments: