Anigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta ay marxuumad Shamis Cali Gaas ka tagtay meel kasta oo ay joogaanba. Shamis Alle ha u naxaariistee waxay ahayd hooyo iyo ayeeyo qalbi jilicsan, naxriis badan oo kalgacal badan.Waxay ahyd ruux cibaado badan oo samir badan iyadoo muddo 17 sano ah xanuun la jiiftay, haddana aan salaad, duco, tasbiix iyo quraan akhris aan marna ka daalin.
Waxaan xusuustaa sida ay ii bariidin jirtay, iyadoo igu salaami jirtay Habarwadaag, si ay ii tusto in eeddonimada wax kale u raacdo.
Shamis waxay ku geeriyootay magaalada Cardiff ee UK maanta oo ah Axad 28 Nov 2010.
Waxaan Illaahay Shamis uga baryayaa inuu dambigeeda dhaafo, una naxariisto, kuna manaysto janatul fardows. Tafiir,ehel iyo qaraabana ka yeelo kuwa laasima samir una duceeya marxuumadda. AAMIIN
Ahmed Hassan Arwo
Samotalis@gmail.com
Hargeysa
4096421
9161003
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment