23 November, 2010

Somaliland Oo Puntland U Digtay Itoobiyana Codsi U Soo Jeedisay

Somaliland Oo Puntland U Digtay Itoobiyana Codsi U Soo Jeedisay

Hargeysa -Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cismaan Garaad Soofe, ayaa sheegay in ciidamada Qaranku lagu amray inay Wasiirada Puntland iyo siyaasiyiintoodu ka qeyb galaan kulamada lagu xalinayo shaqaaqadii ka dhacday deegaamo ka tirsan deegaanka Buuhoodle oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jiray.

Wasiir Ku Xigeenka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa waxa uu digniin u
jeediyay Wasiirada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaamada Buuhoodle iyo Sool ee
ku jira maamulka Puntland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi "Waxa jira oo
aan doonayaa inaan sheego koox siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda meesha la yidhaahdo
Puntland oo ay Wasiirro iyo rag siyaasiyiin ah oo doonaya inay yimaadaan meesha lagu
wada hadal siinayo beelahaas, ma ogolin in wax shaqaaqo ah iyo wax isku dir ah iyo
wax dhibaato ah laga dhex dhaliyo labadaasi beelood ee arrintoodu meesha fiican
marayso waxaanay arrintoodu taagan tahay wada hadal iyo meeshii lagu wada hadli
lahaa. Arrinta ay u socdaan waa inay shaqaaqo hor leh iyo isku dirid ay ay ka
sameeyaan.

 Waanu uga digaynaa kooxda Wasiirrada sheeganaysa iyo dadka kale ee
siyaasiyiinta ah ee la socda waxaanu uga digaynaa inay yimaadaan deegaanada
Buuhoodle ee ay ka socdaan nabadeynta. meel kasta oo ay nimankaasi rabshooleyaasha
ahi ka soo galayaan deegaanka ee ka imanaya Puntland u dul qaadan mayno. Anagoo aan
dawlada waxba ka sheegayn. Waxaanu ka hadlaynaa waa kuwa ka soo jeeda  deegaanka.
Ciidamadayaduna waa u heegan arrintaasi amar baanay u haystaan inay ka celiyaan meel
kasta oo ay ka soo geli karaan. Waxaan doonayaa inaan shirkan jaraa'id kaga hadlo
dhibaatada ka dhacday meesha la yidhaahdo Kal-shaalle ee u dhaxeeya Qori-lugud iyo
Buuhoodle, waxa  dhibaato  ka dhex dhacday laba beelood oo walaalo ah oo dhaqan iyo
dhiigba wadaaga. Waxaan  tacsi u dirayaa dadkii halkaasi ku geeriyooday qoysaskoodii
iyo qaraabadoodii waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janada fardawsa ka
waraabiyo."

Geesta kale waxa uu Md. Cismaan Garaad Soofe uu dawlada Itoobiya ka codsaday inay
Somaliland kala shaqeyso nabadgelyada deegaanka Buuhoodle ku teedsan oo uu sheegay
inay SSC kharbudaad ka wado

No comments: