20 November, 2010

Siilaanyo oo yimid London

Siilaanyo oo yimid London
BBC
Madaxweynaha
Madaxweynaha Somaliland iyo Raiisul wasaaraha Ethiopia

MaqalWakhtiga: 06:20 min


Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaaladatan London.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliland ayaa horey u soo maray magaalada Addis Ababa ee waddanka Ethiopia.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa BBC u sheegay in kulamo kala duwan oo ay la yeesheen masuuliyiinta Ethiopia ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee labada dhinac.
Wasiirku waxa uu sheegay in la saaray guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya arrimaha ay ka wada hadleen oo ah iskaashiga dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo isgaarsiinta.

MaqalWakhtiga: 06:20 min

BBC

No comments: