12 November, 2010

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo soo magacaabay Wasiirro badankood ku cusub siyaasadda Soomaaliya

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo soo magacaabay Wasiirro badankood ku cusub siyaasadda Soomaaliya

Jimco, November 12, 2010(HOL): Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed ayaa wuxuu goor dhaweyd ku dhawaaqay magacyada Wasiirro ka mid ah noqon doonta Xukuumadda uu gar-wadeenka ka yahay, kuwaasi oo tiradooda ay dhan tahay 18 wasiir.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa magacyada Wasiirradan kaga dhawaaqay xaflad ka dhacay xarunta madaxtooyada, taasi oo ay ka qeybgaleen Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

R/W Ku-Xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdullahi Oomaar

R/W Ku-Xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalimiga, Dr. Abdiweli Ali

R/W Ku-Xigeenka ahna
Wasiirka Maaliyadda iyo lacagta  Xuseen A. Xalane

 Magacyada Wasiirradan ayaa waxay kala yihiin:

C/llaahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta

Maxamed C/llaahi Omaar Wasiirka Arrimaha Dibbadda Ra'iisal Wasaare ku xigeen

C/kariin Maxamed Xaaji Fiqi Ra'iisal Wasiire ku xigeen wasiirka Gaashaandhiga

C/weli Maxamed Cali Ra'iisal Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah

C/shakuur Shiikh Xasan Faarax Wasiirka Arrimaha Gudha iyo Amniga Qaranka

Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta

 Dr. Cabdinuur Sh. Maxamed, Wasiirka Waxbarashada, hiddaha iyo Tacliinta Sare

Prof. Cabdikariim Jamac, Wasiirka Warfaafinta postada iyo isgaarsiinta

Abdirashid Hashi, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u dhisidda qaranka

 Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

Yuusuf Macallin Amiin Baadiyow Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha

Dr. Aadan Xaaji Ibraahin Daa'uudl Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

C/kariin Xasan Jaamac Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo ISgaarinta

C/nuur Macallin Maxamuud Wasiirka Shaqada, Arrimaha Bulshada, Isboortiga iyo Dhalinyarada

Maxamed Macallin Xasan Maxamed Wasiirka Kalluumeysiga, Bii'ada iyo Kheyraadka Badda

Axmed C/raxmaan Cabaade Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda , Cirka iyo Dhulka

Maxamuud Maxamed Boorow Wasiirka Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta

C/rashiid Khaliif Xaashi Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska

C/risaaq Shiikh Muxyaddiin Wasiirka Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka

Dr. C/ Nuur Shiikh Maxamed Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare

Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

Ra'iisal Wasaaraha oo magacaabistaas kaddib hadal jeediyay ayaa sheegay in wasiirrada uu soo xulay ay noqon doonaan kuwo waajibkooda ka soo dhalaala isla markaana ka qabta howl wanaagsan  oo dalka ka samata-bixisa dhibaatada uu ku jiro.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isna xafladdii magacaabista ka hadlaya ayaa sheegay in wasiirradan looga baahan yahay in ay howshooda loo xil saaray ku gutaan waqtiga dowladda u harsan, wuxuuna ka rajeeyay waxqabad fiican.

Wasiirrada uu soo magacaabay Ra'iisal Wasaaraha cusub ayaa waxay dhaqan-gelayaan marka uu madaxweynaha saxiixo, haddii ay Madaxweynaha ka gudbaan-na waxay ansixin kaga baahnaan doonaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Wasiirradan ay 3 maahee inta kale ay yihiin kuwo cusub oo aan Xukuumaddii hore, kuwaasi oo qaarkood ay dalka dibaddiisa ka yimaadeen, halka kuwo kalena ay dalka horay u sii joogeen.

Salaad Xiis iyo Maxamed Xuseen
sxiis@hiiraan.com
maxuseen@hiiraan.com

No comments: