19 November, 2010

Ii ogolaada INAAN ka sii hor dego SANWAA ,BOQOR RAABI IYO TALAABO

Ii ogolaada INAAN ka sii hor dego SANWAA ,BOQOR RAABI IYO TALAABO… khadar axmed

waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah oo noqotay mid isku xidha umada reer somaliland meel walba oo ay joogaan ,,gaaar ahaaan TOGAHERER oo ah mid ka mid ah shabakadaha ay aadka ula socdaan akhristayaashu —

akhriste ha la yaabin inaan doonayo inaan ka hadlo wax aan hada dhicin laakiin waxaan ku rajo waynahaya inay wadada ku soo jirto sidaa darteed baan uga sii hor degayaa oo maahmah baa waxay leedahay (dawaynta waxa ka fiican ka hortaga )

hadaba waxaan rabaa inaan halkan hanbalyo uga diro umada ama dawlada ethopia oo maanta ku soo biirtay ama cadaysay inay tahay dawlada kaliya ee inoo ah sxb lagu xisaabtamo ka dib markii ay si aan kala hadh lahayn u soo dhaweeyeen madaxwaynaha somaliland ahmed mohamed mahamuud siilaanyo oo booqasho ku tagay dalkaas ,,

hadaba soo dhawayn noocma ah ayuu la kulmay madaxwaynae siilaanyo marka aad is waydiiso akhriste m,a rabo inaan kuu sawiro sawir aan jirin laakiin waxaad ka daalacan kartaa sawirada iyo qoraalkaba ama aad ka daawan kartaa vidieoga dhamaan saxaafad reer somaliland e xorta ah adiga oo qiimaayn caqli ku dhisan ku samaynaya soo dhawayntaas oo noqotay soo dhawayntii ugu horaysay ee madaxwaynae reer somaliland ah kala kulmo dawlada ethopia ..

waxa lo sameeyay maamuuska lagu soo dhaweeyo madaxda caalamka la aqoonsanyahay waax uu madaxwayne siilaanyo ku dul socday rooga cas ee loo dhigo madaxda aduunka ,waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidamo ah oo ku sugnaa madaarka waxaanadf indhahaaga ku arkaysaa sida qiimaha leh ee dawlada ethopia ay u sii xaqiijisay inay tahay sxbka ugu wayn ee shacabka reer somaliland leeyahay ilaa iyo markii aynu degaalka kula jirnay kaligii taliye mohamed siyaad bare oo dawlada ethopia ay inoo fidisay gargaar lama ilaawaan aha ka dib markii ay siisay fadhiisimo mujaahidiintii snm iyo shacabka reer somaliland ee xiligaas qaxa ku tagay ethopia ..

hadaba akhriste guushan ama soo dhawayntan oo noqonaysa tii labaad ee miiqaamkeedu sareeyo ee uu la kulmo madaxwayne siilaanyo ayaa inoo cadaynaysa inay sax ahayd goaankii aynu ku bedelanya xisbigii udub oo runtii aan odhan karo waxay ahayd inaynu mar hore bedelno ….

hadaba akhriste adiga oo arkay ama daawaday soo dhawaynta noocaan ah ayaaad arki doontaa rag ay ka mid yihiin SANWAA CUMAR YARE . BOQOR RAABI.. IYO TALAABO .. oo mar labaad isku dayi doona inay ka been sheegaan waxa indhahaagu arkeen ,,inagoo ogayn sidii ay uga been sheegeen soo dhawayntii tan ka horaysay ee uu la kulmay madaxwayne siilaanyo xili uu ku sugnaa dawlada an walaalaha nahay ee djabuuti ,,

hadaba raga aan kor ku soo xusay maxay ku shegeen soo dhawayntaas jabuuti u smaaysay madaxwayne siilaanyo waxay sadexdooduba isku raaceen inay ahayd mid lagu marsiinayo madxawayanaha somaliland arintii cablaka bada hoosteeda la marinayay oo ay ku tilmaameen in madaxwaynaha sidaa darteed loo soo dhaweeyay ..

hadaba maanta oo uu ethopia joogana maxay inoo sheegi doonaan ma cable kale ayuu madaxwaynuhu ethopiayana siiyay oo ay ku soo dhawaysay , jawabata waxaan u dhaafaya akhristaha sharafta leh iyo caqligiisa …

hadaba waxaan jeclaan lahaa qof mucaarad wuu noqon karaa laakiin umada waa inaad u sheegtaa wax cilmi iyo maskax aad ku keentay lakiin hadii aad wax walba umada u sheegto waxa ay noqonaysaa in marka danbe sawirkaaga ama qoraalkaaga laga naxo yadoo la ogyahay waxa ku jira ama inaad soo qortay qoraal aan micno badan umada u sheegayn..

maxaa ii diidaya inaan soo qaato hadalkii uu dhawaan tibaaxay suldaanka guud ee somaliland suldaan maxamed suldaan abid qaadir markii uu yidhi ,,,, (siilaanyo waa nin ku culus qaarada afrika kana diplomaasisan madaxwaynihii ka horeeyaya ee hogaanka u ahaa xisbigii UDUB, kana dhaadhicin kara caalamka qadiyada uu rabo markaa waayo waa nin in badan laga daawan jiray muraayada siyaasada )

waxaan kaga baxayaaa ha ii arkin qof degdegsan akhriste laakiin waxaan ogahay ama dareensanahay inay soo socdaan dad inoo sheegi doona inay khiyaali ahayd soo dhawaynta qiimaha leh ee uu kala kulmay madaxwayne siilaanyo dawlada aynu jaarka nahay ee ethopia ,, hadaba qof sidaas inoo sheega inagoo daawanay ama aragnay wax walba waxaan odhan karaa waxa uu ku ciyaarayaa aqoonta ama caqliga ilaahay inagu manaystay …

thanks all
iina dul qaata hadii aan wax badan ilaaway

ilaahay isku xidha waad guulaysanaysaane

khadar axmed

No comments: