Haatufka Maanta iyo Shalay
Haatufka Maanta
Hore ayaa loo yidhi indha adayga ayaa lagu barbaariyaa reer Mudug. Bal eega Gaboosahan aad mooddo inuu wali la hadlayo dadkii reer Galguduud ee Wasiir ku xigeenkiisii Ina Soofe ku badhi furaya. Maxaad kula yaabi waa ninkii ayaamihii la magacaabay isla soo taagay kii imagacaabay Kursigiisa ayaan rabaa. Inta uu wasiirada Puntland u gacan haadinayo, muxuu wax uga qaban layahay ururadan Hubaysan ee Budhadhka iyo Baastooladaha la hor tuban Saldhiga dhexe iyo Maxkamadaha.
Miyaanu ogayn in Tuug Tooriyo tumatay ay Duhurka cad dadka boobkiisa ugu soo badheedheen suuqyada Hargeysa?
Malaha ururada Islaam Ceebaynta ah ee Surwaalka gaabsaday wasiirku Ganacsatuu u yaqaanaa oo inay cadow yihiin uma arko! Walee indho adaygan iyo xidhiidhkan Ethiopia iskuma wadi karee, tolow ninkan yaa ku yidhaa Farmasigaagii Iskaga noqo ama Gaalkacayo tagoo dadkii reer Mudug ee ku fahamayey Atoore u sheego.
Keen Nabadgelyo ka shaqeeya, ma ninka yidhi Tiyaatarkii hadana dib haloo dumiyo, si laba beelood meesha isugu dilaan. Waar inankan yar ee qabqablaha ah yaa inagaga celiya Somalia intaanu afarta dhinacba Somaliland-ta col ka soo galin!
Heshiisiinta Labada Beelood ee dirirtu ku dhex martay Kalshaale waa arin lagu dhamayn karo hab dhaqan. Laakiin arinta meesha ku jirta haddii aan wax laga qaban aanay nabadi geyigaas uga islaaxaynin waxa weeyi, kooxdan nabad diidka ah ee Buhoodle intay xarunta ka dhigteen moodaya inay wax ku noqon karaan in dagaal sokeeye oo beelaysan oo ay huriyaan.

Shalay

Nimanka leh hanaga baxaan ciidamada Somaliland ee labadii dhinac ee dagaalamayey ilaa hadda kala dhex jooga, waxaan colaad ahayn ma doonayaane, hadaba xukuumadda Somaliland ha iska dayso daciifnimada aanu illaahay badin oo waajibkeeda ha gudato, kaas oo ah inay gacanta ku dhigto, Xasiloonidii iyo kaladambayntii Sharciga ku dhisnaydna ku soo celiso jiidaasi, gaar ahaan Buhoodle oo noqotay meesha laga carqaladaynayo dedaal kasta oo loo galo nabadaynta beelaha ay shaqaaqadu dhex marto, sida tan Kalshaale ee hadda lagu guddo jiro.
Wargeyska Haatuf
Wargeyska Haatuf
No comments:
Post a Comment