29 November, 2010

Golaha Wakiilada oo Xadiday Mushaharka Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenkiisa Iyaguna

Golaha Wakiilada oo Xadiday Mushaharka Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenkiisa Iyaguna Korodhsaday
Hargeysa - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta   cod aqlabiyad ah ku meel mariyay xeer  ay ku kordhisteen mushaharkooda, kuna dhimeen mushaharooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka  ka dib markii ay ansixiyeen Xeerka kala xadaynta Mushaharooyinka madaxda qaranka iyo Goleyaasha baarlamaanka, kaasi oo jidayna  inay mushaharka loo kordhiyo mudaneyaasha baarlaamanka.

Fadhigaasi  oo ay ka soo xaadireen 53 Mudane, waxa  Guddoominayay Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa goluhu cod ugu qaaday xeerkaas oo ay hore mudaneyaashu uga doodeen.

Xeerkaas  oo ay ogolaadeen  meel marintiisa   47 Mudane, waxaana diiday 4 mudane halka uu  1 Mudane ka aamusay gudoomiyahuna aanu codaynin. Xeerkan mudaneyaashu ansixiyeen ayaa ka dhigaya mushaharooyinka ay qaataan madaxweynaha madaxweyne xigeenka iyo mudaneyaasha baarlamanku sidatan;

Mushaharka Madaxweynaha ee bishiiba waa SL SH..45,500.000/=

Gunada xilka madaxweynuhu waxay bishiiba noqonaysaa SL Sh.22,750,000/=

Wadarta gunada iyo mushaharka madaxweynaha bishiiba waa 68,250,000/=

Mushaharka Madaxweyne Ku Xigeenku bishiiba wuxuu noqonayaa SL Sh. 32,500,000/=

Gunada xilka Madaxweyne Ku Xigeenku waa       SL Sh. 16,250,000/=

Wadarta Mushaharka iyo gunada Madaxweyne Ku Xigeenku waa SL Sh. 48,750,000./=

 Mushaharka Mudaneyaasha Golaha Wakiilada waxa mid kastaaba bishii uu noqonayaa

Sl Sh. 8,125,000/=

Dhinaca kale mudaneyaasha  Aqalka Wakiiladdu waxa ay meel mariyeen qaraar ay xukuumadda ugu soo jeediyeen inay mushaharka u kordhiso shaqaalaha dawlada iyo Ciidamada qalabka sida isla markaana  mudnaanta koowaad ee miisaaniyad sanadeedka .

Soo jeedintaasi oo ka koobnayd sadex qodob waxay u dhignayd sidan:- "Golaha Wakiiladdu isagoo ka duulaya dastuurka JSL Qodobadiisa 20-aad, 38-aad iyo 53-aad.

Isagoo cuskanaya, Xeer Hoosaada Golaha Wakiilada Qodobadiisa 3-aad, 37-aad.

Isagoo daba jooga, Mooshinkii ujeedadiisu ahayd daryeelka iyo mushahar kordhinta  shaqaalaha dawlada iyo Ciidamada qalabka sida ee taariikhdiisu ahayd 27/10/2010 oo ay soo jeediyeen 28 Xildhibaan iyo balan qaadkii Wasiirka Maaliyada oo ahaa inuu Golaha Horkeeni dooni 15-ka November 2010 u kordhinta mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidamada.

Golaha Wakiiladdu, isagoo garowsan inay waajib tahay daryeelka shaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida xaqna ay u leeyihiin inay helaan wax u dhigma shaqada ay hayaan.

Wuxuu xukuumadda u soo jeedinayaa :-

Inay meel mariso oo ay si dhakhso ah u caddayso kordhintii mushaharooyinka shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sida ee JAMHUURIYADA SOMALILAND.
In Wasiirka Maaliyaddu fuliyo balan qaadkiisii Golaha Wakiilada hortooda uu ku balan qaaday.
Golaha Wakiiladu wuxuu garowsan yahay in Mudnaanta koowaad ee Miisaaniyad sanadeedka 2011-ka ay leeyihiin shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sida ee JAMHUURIYADA SOMALILAND."

Soo jeedintaasi waxa  ogolaaday 52  Mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna muu jirin Guddoomiyuhuna muu codayn.

No comments: