Xildhibaan Waabeeyo Oo Hanti-dhawraha Guud Ku Eedeeyey Inuu Meelkaga Dhacay Sharciga Dalka
Hargeysa, September October 1, 2010 (Haatuf) – Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf (Waabeeye) ayaa hanti dhawraha guud ee qaranka ku eedeeyey inuu meel kaga dhacay sharcigii dalka u yaalay ka dib markii uu ku dhaqaaqay amar xayiraad ah oo uu u adeegsaday Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe.
"Tallaabada uu Hantidhawraha guud ku kacay ee ah xayiraada uu ku soo rogay Gudoomiyihii hore Baanka dhexe Cabdiraxmaan Ducaale, waa mid sharciga iyo dastuurka waddanka ka hor imanaysa. Sababtoo ah marka qof la xiyirayo in aanu waddanka ka baxin, waxa jira nidaam-sharciyeed oo loo maro. Markaa nidaamkaas muu soo marin, oo waxa ay ahayd inuu madaxkamada warqad xanibaad ah ka soo goosto, taasna muu samayn ee isaga ayaa tiisa raacay. Shacriyan-na xaq wuu u leeyahay inuu baadho ciddii qaranka ka tirsan ee khalad ku kacda."
"Haddii uu baadhitaan ku samaynayaan Gudoomiyaha Baanka sidiisa ayay ula kulmi karaan oo waxa ay doonaan way wadiin karaan, laakiin Hantidhawraha waxa isaga Khaldamay wixii ay shaqadiisu ahayd iyo wixii aanu sharci u lahayn. Kolay Hantidhawraha Goluhu su'aalo ayuu waydiin doonaa, marka Axadda soo socodata la ansixinayo, oo waxa uu ka mid yahay Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo xukuumada ka tirsan oo la ansixinayo." Ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) ayaa intaa ku daray in Golaha Wakiiladu ka doodi doonaan xeer: 14 oo ka hadlaya furashada Ururada siyaadasada iyo xisbiyada hore u jiray, isla markaana waxa uu tibaaxay in xildhibaanadu u kala bixi doonaan marka dooda la gaadho laba waaxood oo qolona taageeri doonto, halka qolo kale ay ka soo horjeesan doonto, "Gunaadka doodu waxa ay noqon doontaa in la ogolaado furashada ururo siyaasadeed ama in la diido, oo saddexda xisbi (UCID, KULMIYE iyo UDUB) maanta jiraa ay noqdaa kuwa sharciga ah ee jira."
HAATUF
No comments:
Post a Comment