06 September, 2010

Yaan Gollayaasha loo kordhine hala kala diro ama saamigii Xisbiyada ee Natiijada Doorashada Madaxtooyada

Yaan Gollayaasha loo kordhine hala kala diro ama saamigii Xisbiyada ee Natiijada Doorashada Madaxtooyada
Written by Mubarak Qoorubaxay   

Hargeysa(saraarnews) Maadaama Shacabka Somaliland iyo mucaaradkuba ka xanaaqi jireen Mudo kordhin loo sameeyo Gollaha Guurtida, Gollaha wakiillada iyo Gollaha Xukuumadda, waxaan soo jeedinayaa inaaan la samaynin wax Mudo-kordhin ah ee lagu saleeyo Shax boqoleey ah (%) oo lagu sargooyo intii Xisbi waliba ka helay Natiijadii Doorashadii Madaxtooyada ee ugu danbaysay inta waqtiga doorashada Xukuumadu diyaarinayso.
Ka dibna in xukuumadda talada haysaa diyaariso mudo aan Sanad iyo Lix billood ka badnayn in Doorsahada Gollayaasha Qaranka lagu qabto iskumar oo la is raaciyo hal mar si dalka looga dulqaado culayska Doorashooyinka ee markasta joogtada noqday oo ay u noqoto wax mudo cayiman oo loogu soo hagaaga yeesha sida dawladaha caalamka ka dhisan.
Taas macnaheeda oo ah yaan Gollayaasha Muddo loo kordhine hala kala diro ama saamigii Xisbiyada Siyaasada ee Natiijada Doorashada Madaxtooyada halagu saleeyo.
Tusaale ahaan Doorashada Mudanayaasha Guurtida iyo wakiillada Kuraasida 82-ka ah hadii lagu saleeyo codadkii natiijada Doorashadii Madaxtooyada ee dhacday 26 June,2010 waxay noqonayaan sidan:
Magaca Xisbiga                  Codadka                          Kuraasida uu helayo
KULMIYE                                49.59 %                                         40.66
UCID                                      17.18%                                          14.10
UDUB                                    3323%                                           27.24
Marka ay noqoto Doorashada Gollayaasha Degaankana ha lagu saleeyo inta xisbi kastaaba ka helay Gobolkaas iyo Degmadaas doorashadan u danbaysay ee Madaxtooyada.
Taasi waa fikrad meesha ka saaraysa inaaanay dhicin wax la yidhaaho mudo kordhin oo la isku afgaran waayaa ama Mudanayaasha Guurtidu ugu marmarsoodaan dhaameelkii ay cuni jireen ee ay u barteen ka dibna xukuumadda aanay shuruud ugaga dhigin inaanay Mudada golayaasha kordhinaynin ilaa la siiyo Laaluushkaas ay barteen.
Waxa kale oo ay taasi soo bandhigi doontaa habka iyo nidaamka xisbi waliba cadaalad ugu saleeyey beellaha reer Somaliland ee kuraasida uu helay u qaybiyey, waxa kale oo ay waxtar u noqon doontaa haweenka iyo dadka laga tiro badan yahay inay helaan cid u metesha golayaasha qaranka inta la gaadhayodoorasha aan Mudadeedu ka badnaanin Sanad iyo badh.
Hadii qorshahaasi u suuro geliwaayo waxaa madaxweynaha sharciyan u banaan inuu kala diro labada Golle ee Guurtida iyo Wakiiladda , taasina waxay suurogelinaysaa in hab xulasho ah oo ku salaysan natiijaddii Doorashada madaxtooyadda lagu saleeyo soo xulitaankooda, Sababtoo ah imikaba waxaa gollaha Wakiiladda ka mid xubno badan oo ku yimi nidaamka isxambaarka oo sidan la mid ah.

Mubarak Qoorubaxay
Sweden.
qarmaaje@yahoo.com

No comments: