| Nin magaciisa la yidhaa Cawar Xareed oo ay Bilaysku muddo raadinayeen iyaga oo ku tuhunsanaa inuu ka mid ahaa koox dablay ah oo dad rayid ah ku qafaalatay, isla markaana ku laayey jidka Gabiley iyo Dila u dhexeeya, taariikhdu markay ahayd 11-kii July 2009-kii. Cawar Xareed ayaa Gaadhi Granda ah oo uu watay abaaro 12:00 duhurnimo ee shalay ku hor jaray wasiirkii hore ee arimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro) iyo taliyaha guud ee ciidamada Soomaliland Nuux Ismaaciil Taani oo isagu xiligaas wadada hormarta Madaxtooyada uga talaabayey meel u dhaxaysa wasaarada Macdanta iyo Biyaha iyo dhismaha warshadii hore ee furinka (Ina Mahdi), waxaanu C/laahi Ciro iyo taliyaha guud ee ciidamada Soomaliland Nuux Ismaaciil Taani ugu hanjabay inuu qudha ka jari doono iyada oo ay gaadhiga uu watay Cawar Xareed ay ku wehelinayeen niman kale oo hubaysani sida ay dad goob joog ahi Haatuf u sheegeen, Cawar Xareed iyo Nimankii kale ee la socday kamay soo dagin gaadhigii ay wateen ka dib markii ay dad kaga soo kaceen Maqaaxida Dhimbiil oo goobtaa ku dhaw, taas oo keentay inay gaadhigii u dhaqaajiyaan dhinaca galbeedka. Dhinaca kale wasiirkii hore ee Arimaha C/laahi Ciro iyo taliyaha guud ee ciidamada Soomaliland Nuux Ismaaciil Taani oo aanu arintan wax ka waydiinay ayaa sheegay in kadib markii falkani dhacay uu la xidhiidhay madaxda Bileyska si uu ula socodsiiyo oo ay wax uga qabtaan. Isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi "Waxaan u sheegay in haddii ciidan beeleed la isku weerarayo oo dawladuna ay wax ka qaban wayday inay nabad galyadu faraha ka bixi doonto oo ay noqon doonto in qof walba adeegsado ciidan beeleed uu isku difaaco". Cawar Xareed iyo nimanka kale ee loo aanaynayo inay ku luglahaayeen dilki foosha xumaa ee ka dhacay wadada laamida isku xidha Gabiley iyo Dila, ayaa booliska Somaliland ilaa hada ku fashilmay inuu gacanta ku dhigo oo uu cadaalada horkeeno. Haatuf |
No comments:
Post a Comment